Ereyga Maanta: mucatab
beekhaami 1. Wax tashiilid. 2. Wax la miisayo wax yar ku kordhin.
beekhaamid eeg beekhaan². ld beekhaan¹.
beekhaamin eeg beekhaami.
beekhaan (1) 1. Badashada ay badato cunno la karinayo. 2. Wax yar oo lagu suubiyo wax la miisay. 3. Tashiilidda wax la tashiilo. 4. ld beekhaamid.
beekhaan (2) Cunto la karinayo sida bariis iwm. tarmid; wax badasho.
beekhaansad ld beekhaansasho.
beekhaansan Wax beekhaan yeeshay ahaansho.
beekhaansanaan eeg beekhaansan . ld beekhaansanaansho.
beekhaansanaansho ld beekhaansanaan.
beekhaansasho eeg beekhaanso. ld beekhaansad, beekhaansi.
beekhaansi ld beekhaansasho.
beekhaanso 1. Wax tashiilasho. 2. Wax la miisayo wax ku kordhisasho.
beel (1) Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro.
beel (2) Koox dabeeci ahaan sabo ku wada uuman, oo isugu jira sinjiyo dhir iyo xayawaanba leh.
beel (3) Hanti ama wax kale oo hore loo lahaa tirmid; waayid.
beelaysan Wax la beeleeyey ahaansho.
beelaysasho eeg beelayso. ld beelaysi.
beelaysi ld beelaysasho.
beelaysnaan eeg beelaysan. ld beelaysnaansho.
beelaysnaansho ld beelaysnaan.
beelayso 1. (f.g) Qolo kale xoog ku qabsasho oo beel ka dhigasho; gumaysasho. 2. (f.mg) Dad kala firirsanaa si ay isu kaashadaan meel wada degsasho.
beeldaaje Nin beel madax u ah; ugaas; garaad; malaaq.
beelid eeg beel³.
beeloobid eeg beelow.
beelow 1. Cid beel noqosho. 2. Ku b.: cid, cid kale oo ka dhaqan duwan ku darmid.
beelyo Haadda waaweyn nooc ka mid ah, dafadana la bah ah, midab madaw leh oo buuraleyda ku nool.
beembeen Been waaweyn.
beembeeni 1. Qof been ku maaweelin. 2. Is b.: sirmid.
beembeenin eeg beembeeni.
been War aan run ahayn.
<< < 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 > >>