Ereyga Maanta: dabakannaaxid
foojigaan ld feeyigaan.
foojigaansho ld feeyigaan.
foojigan ld feeyig.
foojignaan ld feeyigaan.
foojignaansho ld feeyigaan.
fookh ld fooq.
fookhad Ur udgoon oo ka soo baxa cunto geedeysan oo bisil ama la bisleynayo.
fookhadayn eeg fookhadee.
fookhadee Cunto fookhad u yeelid.
fool (1) 1. Weji. 2. Afarta ilig ee dhoollaha u dhexeeya midkood. 3. Jiko. 4. Toos; horay.
fool (2) Dareen xanuun leh oo dheddigga qabta marka ay umulayaan.
fool (3) (daaw.) Qabashooyin isku xig xiga oo dhallaan iyo mandheer uga soo baxaan ilma-sidaha naag xaamilad ah.
fool (4) 1. Ka f.: dhibaato iwm ka gudbid. 2. Ka f.: karti dheeraad ah cid kaga rayn.
foolad ld foolasho.
foolasho eeg foolo. ld foolad.
foolaxgooddi (1) ld falaxgooddiyid.
foolaxgooddi (2) ld falaxgooddi².
foolaxgooddin ld falaxgooddiyid.
foolaxgooddis ld falaxgooddiyid.
foolaxgooddiyid ld falaxgooddiyid.
foolaxgootayn eeg foolaxgootee.
foolaxgootee U f: cid u faanid.
foolbaxo Fooltagid.
foolbaxsad ld foolbaxsasho.
foolbaxsasho eeg foolbaxso. ld foolbaxsad, foolbaxsi.
foolbaxsi ld foolbaxsasho.
foolbaxso 1. Bun marsasho. 2. Foolcararid.
foolbeenaad ld fooldiin.
foolcarar (1) Naasley foolanaysa oo xanuun la luntay. ld foolcararid.
foolcarar (2) Naasley xanuun la cararid.
<< < 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 > >>