Ereyga Maanta: fullaacsan
habaarmid eeg habaaran¹.
habaarnaan eeg habaaran². ld habaarnaansho.
habaarnaansho ld habaarnaan.
habaarqabe 1. Qof dhib badan. 2. Qof waalidkii habaaray.
habaarramid eeg habaarran.
habaarran (dii.) In Eebbe cid waxyeello gaarsiiyo baryid.
habaartamid eeg habaartan.
habaartan Is habaarramid (laba qof).
habaas 1. Ciid budo ah oo dabayshu kiciso. 2. H. ah: jimic (xoolo).
habaasi 1. Boor kicin. 2. Neef riman candho keenid; carin; gorin.
habaasin eeg habaasi.
habac (1) 1. Daal iyo kala daadsanaan wax ku yimaad. 2. Dhereg. 3. Biyo ceel ama weel ku raagey.
habac (2) 1. Daal iyo kala daadsanaan la kulmid. 2. Wax ka dhergid. 3. Weel biyo sii deyn.
habacsan Wax habac ku dhacay ahaansho.
habacsanaan eeg habacsan. ld habacsanaansho.
habacsanaansho ld habacsanaan.
habaq H. ku dheh: meel isku tuurid (daal iwm dartii).
habaqle 1. Socod si kala dambayn ah qofba mar u yimaado. 2. H. ah: dad si kala dambaysa qofba mar u yimaado. 3. Daal ama gaajo la luudidda.
habaqlee Si habaqle ah u socosho.
habaqleyn eeg habaqlee.
habar (1) Haruubka haanta.
habar (2) 1. Naag duq ah. 2. Hooyo. 3. Dubaarad, dubnad.
habar-ari 1. Roobka deyrta ugu horreeya. 2. Bilaha soomaaliga mid ka mid ah. ld habar-eri.
habar-eri ld habar-ari.
habardugaag Dugaag oo dhan.
habarey-maanyo Nafley la aaminsanyahay in ay badda ku nooshahay oo qaarka sare gabar ka ah qaarka dambena mallaay. ld gabarey-maanyo.
habarjinni Naag jinni ah oo la aaminsanyahay in ay ku nooshahay meelaha biyuhu ku jiraan.
habaroobid eeg habarow². ld habarow¹.
habarow (1) ld habaroobid.
habarow (2) Habar noqosho.
<< < 678 679 680 681 682 683 684 685 686 687 688 > >>