Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
ibliis Uun xun oo dadka duufsada oo xumaanta iyo wixii Ilaah lagaga dheeraanayo u horkaca.
ibriiq Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iwm oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad.
ibtilee Dhibaato daran cid gaarsiin. ld ebtilee.
ibtileyn eeg ibtilee. ld ebtileyn.
ibtileysan Wax ibtilo ku dhacday ahaansho ld ebteleysan.
ibtileysnaan eeg ibtileysan. ld ebteleysnaan, ebteleysnaansho, ibtileys-naansho.
ibtileysnaansho ld ibtileysnaan.
ibtilo Dhib weyn. ld ebtilo.
ibtiloobid eeg ibtilow.
ibtilow Ibtilo la kulmid.
iclaan War la sheego oo aad loo faafiyo oo dadka la wada garsiiyo; ogeysiis.
icraab (1) (nax.) Dhismaha qaybaha naxwe ee ay weeri ka koobantahay.
icraab (2) (nax.) Qaybaha naxwe ee ay weer ka koobantahay sheegid. ld icraabi.
icraabi ld icraab².
icraabid eeg icraab². ld icraabin, icraabis¹.
icraabin ld icraabid.
icraabis ld icraabid.
ictikaaf (1) Fadhi masaajidka gudahiisa muddo la fariisto oo cibaado loo niyoodo.
ictikaaf (2) Cibaado awgeed masaajid ku raagid
ictikaafid eeg ictikaaf².
ictikaafsan Wax ictikaaf ku jira ahaansho.
ictikaafsanaan egg ictikaafsan. ld ictikaafsanaansho.
ictikaafsanaansho ld ictikaafsanaan.
ictiqaad (1) Rumaysnaanta wax waxtarka uu leeyahay ama wax yeeladiisa.
ictiqaad (2) Diin, mabda' iwm aaminid.
ictiqaadid eeg ictiqaad².
ictiqaadsan ld citiqaadsan.
ictiqaadsanaan ld citiqaadsanaan.
ictiqaadsanaansho ld citiqaadsanaan.
ictiraaf (1) Aqoonsi, cid wanaaggeeda loo aqoonsado.
<< < 768 769 770 771 772 773 774 775 776 777 778 > >>