Ereyga Maanta: makeekee
etooloji (baay.) Barashada bayoolajiga asawga xayawaanka.
exayso Dan awgeed wax u doorasho (cid).
ey (1) ld eey¹.
ey (2) ld eey².
eyddin 1. Xanuun daran oo saableyda wareema; oof. 2. Noocyada geela mid ka mid ah. 3. Meesha qodaxdu muddo nabar ka samaysan. 4. Tolliin gacmeed ka horreeya tolliinka harqaanka.
eydhis (daaw.)(AIDS) Cudur uu keeno fiirus wuxuuna ku yimaadaa fiiruska oo baabi'ya qaybhoosaad ka mid ah unugyada “linfosaytis” la yiraahdo taaso keenta hoos u dhicid difaaca jirka. E.ku, sida badan, wuxu ka mid yahay cudurrada galmada.
eyfaad (1) Arrin murugsan daawo u helid. ld eynfaad¹.
eyfaad (2) Dhibaato culus awgeed la dalaabid. ld eynfaad².
eyfaadid eeg eyfaad². ld eynfaadid.
eyfaadsan Wax eynfaad ku dhacay ahaansho (qof). ld eynfaadsan.
eyfaadsanaan ld eyfaadsanaansho, eynfaadsanaan, eynfaadsanaansho.
eyfaadsanaansho ld eyfaadsanaan.
eymaanyo 1. Nooc kalluunka ka mid ah oo hoosta isaga dhejiya maraakiibta, qubada iwm si uu cunto uga helo. 2. Nooc boolaboolada ka mid ah.
eynaad (bot.) Geed leh caleemo yaryar, qodxo gaagaaban, ur silloon iyo asal guduudan; tarraxo. ld eynood.
eynfaad (1) ld eyfaad¹.
eynfaad (2) ld eyfaad².
eynfaadid ld eyfaadid.
eynfaadsan ld eyfaadsan.
eynfaadsanaan ld eyfaadsanaan.
eynfaadsanaansho ld eynfaadsanaan.
eyni Cumri; qeyr; da'.
eynood ld eynaad.
eysin (1) Wiilka walaashu dhasho.
eysin (2) Gabadha walaashu dhasho.
<< < 4 5 6 7 8 9