Ereyga Maanta: xuubka saynuufiyal
hudasho eeg hudo.
huddamid eeg huddan².
huddan (1) Socod tabar darro ku jirto.
huddan (2) Socod tabar yar socosho; luudid.
huddan (3) Wax la huday ahaansho.
huddanaan eeg huddan³. ld hudda-naansho.
huddanaansho ld huddanaan.
hudeec (1) ld hadeec¹.
hudeec (2) ld hadeec².
hudeecid ld hadeecid.
hudid eeg hud².
hudo Dhar dillacsan tolasho.
hudqayl Kuray.
huduf Kalluun yaryar; sardiin. ld haduuf.
huf (1) Shimbir hilibka cunta; dafo.
huf (2) 1. Wax sifayn. 2. Wax kala saarid. 3. Wax jifid (gogol iwm).
hufan (1) 1. Wax la sifeeyey ama boor laga qaaday noqosho. 2. Wax la kala saaray noqosho.
hufan (2) 1. Wax la sifeeyey ama boorka laga qaaday ahaansho. 2. Wax la kala saaray ahaansho. 3. Qof aan ceeb lahayn ahaansho.
hufi Dab babbin.
hufid eeg huf².
hufmid eeg hufan¹.
hufnaan eeg hufan². ld hufnaansho.
hufnaansho ld hufnaan.
hug Neef ari ah harag ka bixin. ld xug².
hugan (1) Shanqar xoog leh samayn.
hugan (2) ld hugsan.
hugasho eeg hugo. ld hugsasho.
hugi Dhar, derin iwm wax dusha ka saarid.
hugid ld xogid.
hugin eeg hugi.
<< < 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 > >>