Ereyga Maanta: mataxan
dhabbaggal (2) U dh.: arrin u kuur gelid.
dhabbaggelid eeg dhabbaggal². ld dhabbaggal¹ (2).
dhabbaqayn eeg dhabbaqee.
dhabbaqee Cid gardarro kula kicid.
dhabbaqo Gardarro.
dhabbaqoo Ku dh.: gardarro ku kicid.
dhabbaqood eeg dhabbaqoo.
dhabbar Bartamaha habeenka.
dhabbayn eeg dhabbee.
dhabbe Jid ay baabuurta, xoolaha iwm maraan oo cagta lagu bixiyey. ld dhabbo.
dhabbee 1. Waddo si joogto ah u marid. 2. Xaskul la duugay tumid.
dhabbicid eeg dhabbac². ld dhabbac¹ (2).
dhabbis (1) ld dhabbisid.
dhabbis (2) 1. Is dh.: wax hurda iska dhigid. 2. U dh.: wax u qabasho.
dhabbisid eeg dhabbis². ld dhabbis¹.
dhabbo ld dhabbe.
dhabcaal (1) Nin aan hantidiisa waxba ka bixinin; bakhayl, muudal.
dhabcaal (2) Naag aan hantideeda wax ka bixin. ld dhabcaalad.
dhabcaalad ld dhabcaal².
dhabcaalnimo Dhabcaal ahaansho.
dhabcaan ld dhabcan.
dhabcan Xaar lo'aad oo qoyan; faanto. ld dhabcaan.
dhabdarro Gardarro.
dhabdarroo Ku dh.: cid dhabdarro kula kicid.
dhabdarrood eeg dhabdarroo.
dhabee Ka dh.: wax dhab ka dhigid.
dhabeel Naag maamulka guriga aad ugu fiican; gaari.
dhabeelnimo Dhabeel ahaansho.
dhabeeloobid eeg dhabeelow.
dhabeelow Dhabeel noqosho.
<< < 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 > >>