Ereyga Maanta: herso
hugis H. ah: maro, busto iwm oo dusha la iska saaro.
hugmid eeg hugan¹.
hugnaan ld hugsanaan.
hugnaansho ld hugsanaan.
hugo Maro, buste iwm dusha iska saarid ld hugso.
hugsan Maro, raar iwm wax dusha laga saaray ahaansho. ld hugan².
hugsanaan eeg hugsan. ld hugnaan, hugnaansho, hugsanaansho.
hugsanaansho ld hugsanaan.
hugsasho ld hugasho.
hugso ld hugo.
huguf Dabayl firo leh oo ay wax soconayaa kacshaan.
hugun Shanqar xoog leh.
hujuum Weerar cid lagu qaado. ld hujuun¹.
hujuumid eeg hujuun².
hujuun (1) ld hujuum.
hujuun (2) Cid weerar ku qaadid.
hul (1) God yar oo ciriiri ah.
hul (2) Meel qodid ama daloolin.
hulaan Hul dheer oon salkiisu muuqan, bahalladuna galaan.
hulaaq (1) Gaaridda dab qoryo ama dhuxul la shiday wada gaaro. ld hulaaqid.
hulaaq (2) Dab shidmid.
hulaaqid eeg hulaaq². ld hulaaq¹.
hulan God si hul ah loo qoday ahaansho.
hulbi 1. Ari cayrin. 2. Wax dedejin.
hulbin eeg hulbi.
hule Cudur qanjirrada gala oo baabi'iya.
huleel (1) ld huleelid.
huleel (2) Ka h.: Wax la rabay oo laga quustay iyada oo la cagajiidayo ka tegid.
huleeli Ka h.: cid wax ay lahayd ka dhaqaajin iyadoo xoog lagu muquuninayo.
huleelid eeg huleel². ld huleel¹.
<< < 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 > >>