kadbo Calaf Ilaah siiyay cunid (qof).
kaddaan Takar.
kaddib (1) Dib, dabadeed.
kaddib (2) K. ah: xabbad qarxi weyday.
kaddib (3) Rasaas iwm dhici waayid. ld katib.
kaddibaad Qarxi waayidda xabbad qori laga riday ay qarxi weydo.
kaddibid eeg kaddib³.
kaddibiye Buntuq aan xabbadaha qarxin cillad awgeed.
kaddiifad Gogol dun adag, cudbi iwm ka samaysan, qurux leh oo lagu goglado guryaha gudahooda. ld gaddiifad, kaddiifo, katiifad, qaddiifad.
kaddiifo ld kaddiifad.
kadeed (1) Dhibaato; jirrab.
kadeed (2) Wax aad u dhibid.
kadeedan (1) Wax la kadeeday noqosho.
kadeedan (2) Wax la kadeeday ahaansho.
kadeedid eeg kadeed².
kadeedmid eeg kadeedan¹.
kadeednaan eeg kadeedan². ld kadeednaansho.
kadeednaansho ld kadeednaan.
kadhoorad ld kalloorad.
kadi Si kedo ah u dhicid. ld kedi².
kadiido ld kadiidyo.
kadiidoo ld kadiid-yoo.
kadiidood ld kadiidyood.
kadiidyo Qandho lala jareeyo. ld kadiido.
kadiidyoo Kadiidyo dareemid. ld kadiidoo.
kadiidyood eeg kadiidyoo. ld kadiidoo.
kadin (1) 1. Xero ama guri meesha furan ee laga galo; irrid, illin, albaab. 2. Boqol neef oo geel ah. 3. Geel gaar u foofi kara oo cid anfici kara.
kadin (2) eeg kadi. ld kedin, kedis.
kadiso Wax aan lagu talaggelin oo si lama filaan ah u dhaca. ld kediso.
kadlayn eeg kadlee. ld kadlays.
<< < 873 874 875 876 877 878 879 880 881 882 883 > >>