Ereyga Maanta: findoob
karaamee 1. Cid karaamo siin (Eebbe). 2. Cid xurmayn.
karaamo 1. (dii.) Heybad Ilaah siiyo qof cibaado badan. 2. (-ooyin, m.l) Arrin la yaab leh oo aan lagu fasiri karin xeerarka dabiiciga ah, oo Eebbe ku mannadeysto awliyadiisa.
karaan Awood wax qabad.
karaaniyam (c.nafl.) Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. Waxay ka samaysantahay dhowr lafood oo balbal-laadhan oo isdhexgalay, oo ay u dhexee-yaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.
karaankur 1. Badar, budo iyo jariir u kala saarid. 2. Badar qashin ka saarid. 3. ld kuraankur.
karaar (1) 1. Cayil; buurran. 2. Xowliga wax leeyihiin. 3. Buux; badasho.
karaar (2) (fiis.) Summad: a. Dhakhsaha korodhka xawaaraha iyo keynaanka. Waxaa lagu cabbiraa mitir halkii seken ee laba jibbaaran (m/s2).
karaar (3) 1. Cayilid. 2. Badasho; buuxid.
karaar-cufisjiidad (fiis.) Summad: g. Karaarka ay la kulanto walax iskeed ugu soo dhex dhacda badada cufisjiidadka dhulka. Tijabo ahaan, karaarka cufis-jiidadku, ugu dhawaan, waa madoorsoome marka loo eego oogada dhulka, waana ka xor dabeecada iyo samayska walaxda soo dhacaysa (taas oo aan la tixgelin ca-daadiska hawada).Tani waxa ay xaqiijisaa saamigalnimada culeyska walax-da iyo cufka walaxda.
karaari 1. Wax badin. 2. Xowli kordhin.
karaarid eeg karaar³.
karaarin eeg karaari. ld karaaris.
karaaris ld karaarin.
karaawil Afarta nooc ee turubku u kala baxo mid ka mid ah.
karab Sallax sisib ah, badda gunteeda ah, ciid lahayn oo baroosinku qabanin.
karah Wax niyadda ka nicid.
karahsad ld karahsasho.
karahsasho eeg karahso. ld karah-sad, karahsi.
karahsi ld karahsasho.
karahso Wax niyadda ka nicid.
karan (1) Martisoor weyn; diyaafad.
karan (2) 1. Baargo'idda awr raraynimo loo jarabbaray yeesho. 2. Xilli roob badani ka da'o waqooyi galbeed oo ku beegan bisha Luulyo.
karan (3) 1. (f.g) Awr rarooy ah baar go'id. 2. (f.mg) Maro, harag iwm wax kar leh noqosho.
karan (4) Wax kar leh ahaansho (maro, harag iwm).
karantiil ld karantiin.
karantiin (1) 1. Meel lagu takooro nafley cudur halis ah qabta. 2. K. ah: nafley cudur halis ah qabta oo meel lagu go'doomiyay. ld karantiil.
karantiin (2) (daaw.) Muddada qof ama neef xoolo ah lagu hayo meel duwan si looga hortago fidista cudur la isqaadsiiyo. Waagii hore muddada karantiinku wuxuu ahaa 40 beri, hadda cudurrada kala duwan waxay leeyihiin muddo karantiin oo kala duwan.
karar Xoogga roob u da'o una biya dhigo.
karasho 1. Adkaysi, karti. 2. eeg karo.
karatey Hab loo dagaallamo oo aan wax hub ah la isticmaalin, oo lugaha, gacmaha iwm la adeegsado.
<< < 885 886 887 888 889 890 891 892 893 894 895 > >>