Ereyga Maanta: garbis
mirif Saxarro yaryar oo dabaysha bitin karto. ld muruf.
mirigsii Indhaha ka m.: si cabsi leh wax u eegid.
mirigsiin eeg mirigsii.
mirimmiri Geed abaareed weyn oo leh caleen dhuudhuuban iyo har wanaagsan waxaana lagu beeraa jidadka magaalooyinka.
miriq (1) Muuqaal mar la arko ka dibna qarsooma.
miriq (2) 1. Bidhaan fogaatay muuqaalkeeda qarsoomid. 2. Muuqaal deg u qarsoomid.
miriqshaanle Socod dan la'aan ah oo warwareeg ku jiro oo ay dadka iyo xoolaha sameeyaan.
miriqshaanlee Dad ama xoolo miriqshaanle samayn.
miriqshaanleyn eeg miriqshaanlee. ld miriqshaanleys.
miriqshaanleys ld miriqshaanleyn.
mirir (1) 1. Dheeh guduudan oo uumi-biyoodku biraha ku dul sameeyo. 2. Cida ay riyuhu sameeyaan marka ay dhashooda waayaan. 3. (-rro, m.dh) Daqiiqad.
mirir (2) 1. Bir mirir yeelasho. 2. Ri'ilmeheeda wayday ciyid.
miriri Wax mirir u yeelid.
miririd eeg mirir². ld mirdhid.
miririg Iska hor iyo dabo wareegidda ay wax sameeyaan, indhuhuna ku wareeraan. ld mililig.
miririglee Miririg samayn. ld mililiglee.
miririgleyn eeg miririglee. ld mililigleyn.
miririn eeg miriri.
mirirsan Wax miriray ahaansho.
mirirsanaan eeg mirirsan. ld mirirsanaansho.
mirirsanaansho ld mirirsanaan.
mirji ld merji.
mirjin ld merjin.
mirjis (1) Fuf, ama geed yar oo dhulka ka soo baxay.
mirjis (2) ld merjin.
mirkac (1) Habeenka gelinkiisa dambe oo la tooso.
mirkac (2) Habeen gelinkii dambe toosid (cid).
mirkici Cid habeen gelinkiisa dambe toosin.
mirkicid eeg mirkac².
mirkicin eeg mirkici.
<< < 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 > >>