laablaabasho eeg laablaabo. ld laablaabad, laallaabad, laallaabasho.
laablaabid eeg laablaab². ld laallaabid.
laablaabmid eeg laablaaban¹. ld laallaabmid.
laablaabnaan eeg laablaaban². ld laablaabnaansho, laallaabnaan, laallaabnaansho.
laablaabnaansho ld laablaaban.
laablaabo 1. Wax isku dubbaridasho. 2. Wax xeeladayn. 3. Wax ka warwareegid. ld laallaabo.
laablakac Fal fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso.
laablakicid Fal ka fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso dareemid.
laabmid eeg laaban¹.
laabnaan eeg laaban². ld laabnaansho, laabni.
laabnaansho ld laabnaan.
laabni ld laabnaan.
laabniin ld laabid.
laabo 1. (f.g) Wax fidsan ama jilicsan isku soo ceshasho. 2. (f.mg) Jiho loo socday ka weecasho.
laabqarrar ld laabjeex.
laabqoyan1 Qoray iwm oo aan si fiican u engegin ee lidda ka qoyan. laabqoyan2 Qori iwm wax aan si fiican u engegin ahaansho. laabqoyanaan eeg laabqoyan². ld laabqoyanaansho.
laabqoyanaansho ld laabqoyanaan.
laabraac1 U bogid wax loo bogo oo niyadda laga jeclaysto. laabraac2 Wax loo bogo laabta ka raacid, ka jeclaysasho. laabraacid eeg laabraac².
laabsami Caloolsami, niyedsami.
laabtaxaw (c.nafl.) Carjaw yar oo ka lulata lafta sakaarka dhankeeda hoose. ld laabxuunsho, labxo.
laabtuurle (jool.) Muuqaal dhuleed qaanso u eg oo ka dhasha isa soo cadaadinta dhagxaanta dhulka hostiisa.
laabxuunsho ld laabtaxaw.
laac1 Muuqaalka guud ee geedaha cagaaran. laac2 1. (f.g) Gacan fidsan wax ku tiigsasho. 2. (f.mg) Ka l.: cunto, cabbitaan iwm deg-deg u dhammaysasho. 3. (f.mg) Naq baxay muuqasho. laacayaal (bot.) Mid ka mid ah qaybaha ubaxa taas oo samaysa korollaha. Laacayaasha dhirta cayayaanku faxliyey had iyo jeer aad ayey u ifaan, badanaana way udgoonyihiin.
laacdamid eeg laacdan². ld laactamid.
page : 2 of 46
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>