mitami Si siman u kaltan siin (wax). ld miltami.
mitamid eeg mitan². ld miltan¹, miltamid, mitan¹.
mitamin eeg mitami. ld miltamin.
mitan (1) 1. Kaltan. 2. ld miltamid.
mitan (2) Si siman wax u kaltan siin. ld miltan².
mitansasho eeg mitanso. ld miltansasho.
mitanso Wax kaltan u gelid. ld miltanso.
mitid (1) ld mintid1. ld mintidid.
mitid (2) ld mintid².
mitidid ld mintidid.
mitidnimo ld mintidnimo.
mitimiye (kiim.) Dhuun quraarad ah oo leh heerar cabbir oo lagu qiyaaso mugga hoor ka shubmaya iyada marka la furo xubin qasabad ah oo ku samaysan. Waxa lagu isticmaalaa habka saafid muggeedka.
mitir (1) Cabbir dhererka lagu qiyaaso oo boqol sentimitir ama 1.093 yaardi ka dhigan.
mitir (2) (fiis.) Summad m. Halbeegga caalamiga (H.C.), ee dhererka loona qeexo dherer le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna xafido waaxda keydinta cabbirka iyo miisaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis.
mitiri Wax mitir ku cabbirid.
mitirin eeg mitiri. ld mitiris.
mitiris ld mitirin.
mitirkubbe 1. Cabbir hooraha lagu qiyaaso, oo saddex jibbaaran.2. Guri m. ah: guri ka samysan alwaax laysku dhedhejiyey.
mitirsad ld mitirsasho.
mitirsan Wax mitir lagu cabbiray ahaansho.
mitirsanaan eeg mitirsan. ld mitirsanaansho.
mitirsanaansho ld mitirsanaan.
mitirsasho eeg mitirso. ld mitirsad, mitirsi.
mitirsi ld mitirsasho.
mitirso Wax mitir ku cabbirasho.
mixdin ld maxdin.
mixnad Dhibaato badan. ld mixno.
mixno ld mixnad.
mixraab (dii.) Maasaajidka gudihiisa meesha imaanka dadka tujiya loo sameeyo oo dhismo yar oo kuusan oo bannaanka u baxsan leh.
miyaa Qurub tilmaamaya in ay su'aali saaran tahay ereyga ama weerta uu weheliyo. Tus. “Wiilasha miyaa yimid?”, “Miyuu Cali yimid?”, “Miyuusan Cali imaanayn?”.
<< < 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 > >>