Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
bararin eeg barari.
bararis Ciir in caano dhay ah lagu daray.
barariso Cudur ku dhaca meel jirka ka mid ah oo barariya oo aan af lahayn.
bararnaan eeg bararan. ld bararnaansho.
bararnaansho ld bararnaan.
bararsan Wax barar leh ahaansho (meel jirka ka mid ah).
bararsanaan eeg bararsan. ld bararsanaansho.
bararsanaansho ld bararsanaan, bararsanaansho.
bararshe Cudur dadka ku dhaca oo wejiga iyo oogadu la barbararto oo dab lagu daaweeyo.
baras Cudur cuncun leh, oogada dadka ku dhaca oo caddeeya. ld barras.
barasaab Qof dawlad u wakiilatay in uu gobol xukumo.
barashada baali-nololeed (taar.) Cilmiga ku saabsan nolosha dhulka dushiisa waqtigii hore, taasoo aan ku ogaanayno barashada lafihii hore.
barashada badweynada (juqr.) Dersidda badweynada oo ay ka mid tahay dabeecadda biyaha oo la barto dhaqaaqooda, heerkulkooda, guntooda, meesha ay ku jiifto, dhirta iyo xayawaanka, iwm.
barashada cilmiyadii hore (taar.) Barashada su'aalaha caamka ah, laga bilaabo far qoriddii hore, iyo barashada Kirishtaannimada, sidii ay sameeyeen Yurub qarnigii 9aad ilaa kii 17aad.
barashada foosillada (taar.) Sayniska ku taxalluqa noolaha ciribgo'ay, asalkiisa ha ahaado dhir ama xayawaan, oo la helo haraagoodii oo ku aasan dhadhaabaha.
barashada gabowga (daaw.) Barashada aqoonta ku saabsan isbeddellada ka dhaca jirka iyo maskaxda oo la socda gabowga iyo dhibaatooyinka la xiriira.
barashada lakabyada dhulka (ama jiyoolojiyada da'dhagaxeedka) (juqr.) Qayb juqraafiga ka mid ah oo wax ka sheegta siday isugu xigtay da'dii dhadhaabuhu sameysmeen.
barashada unugga (baay.) Barashada dhismaha iyo shaqada unugyada.
barasho eeg baro². ld barad (2).
barashuud Dallaayad.
Barasiil Dalka barasiil (Af-Ingiriis: Brazil) oo loogu dhawaaqo Federal Republic of Brazil (Jamhuuriyada Fadaraalka Barasiil) waa dal ka soo jeeda bortaqiis, waa dalka shanaad ee ugu balaadhan aduunka ,koofurta Amerika iyo dhammaan qaarada laatiin Amerikaba. Dalka barasiil waxaa dhinaca bari ka marta badda Banweynta Atlantiga (Atlantic Ocean), oo leh xeeb dhererkeedu tahay 7,491KM.
baratami ld bedertami.
baratamid ld bedertamid.
baratamin ld bedertamin.
baratan (1) ld bedertan¹.
baratan (2) ld bedertan².
baratansii ld bedertami.
baratansiin ld bedertamin.
baratansiis ld bedertamin.
barax (1) 1. B. ah: caano biyo ka yar lagu daray. 2. Bardooddanka ay sameeyaan xooluhu.
<< < 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 116 > >>