Ereyga Maanta: siin
naqaysad ld naqaysasho.
naqaysasho eeg naqayso. ld naqaysad.
naqayso 1. (f.g) Wax inta fiican kala bixid; xulasho. 2. (f.mg) Naq daaqid (xoolo).
naqdac Caws guryaha carshaanta ah dusha laga saaro oo lagu dedo oo ka baxa meelaha webiyada agagaarkooda ah; gargoof.
naqdi (1) 1. Dood looga faalloodo wax wanaaggiisa ama dhalliishiisa. 2. ld naqad.
naqdi (2) Wax wanaaggiisa ama dhaliishiisa sheegid.
naqdiyid eeg naqdi².
naqee Wax xulid.
naqid eeg naq². ld niqid.
naqiisad Biro yaryar oo isgala oo shukaanta iyo doonida isu haya.
naqil Ku n.: wax meel ku qoran meel kale ku guurin.
naqilid eeg naqil.
naqraac (1) Guuridda la aado meel naq leh. ld naqraacid.
naqraac (2) Meel naq leh u guurid.
naqraacid eeg naqraac². ld naqraac¹.
naqsan 1. Wax la celiyay ahaansho. 2. Gar la xalliyay ahaansho.
naqsanaan eeg naqsan. ld naqsanaansho.
naqsanaansho ld naqsanaan.
naqsasho eeg naqso.
naqshad 1. Naqash. 2. Shaxan tilmaamaya hab ay wax u dhisanyihiin, ama u samaysanyihiin.
naqshadayn eeg naqshadee.
naqshadee Wax naqshad u samayn.
naqshid eeg naqash².
naqso 1. (f.g) Wax dib u soo ceshasho. 2. (f.g) Quraan akhrisasho. 3. (f.mg) U n.: wax mar labaad. 4. (f.mg) Gar cid u jeedsasho.
naqtiimi Qof quraan, duruus iwm dhammeeyay mar labaad bilaabid.
naqtiimid eeg naqtiin².
naqtiimin eeg naqtiimi. ld naqtiimis.
naqtiimis ld naqtiimin.
naqtiimo ld naqtiin¹.
naqtiin (1) 1. Dib u so bilaabidda quraan, duruus iwm oo hore loo dhammeeyey. 2. N. ah: qof dhammeeyey quraan, duruus iwm oo mar labaad soo bilaaba. ld naqtiimo.
<< < 1123 1124 1125 1126 1127 1128 1129 1130 1131 1132 1133 > >>