Ereyga Maanta: raysmaggaarto
dhawid ld dhaawid.
dhawis ld dhaawid.
dhawo ld dhaawo.
dhawow ld dhowow.
dhawr (1) Tiro laba ka badan kana yar siddeed. ld dhowr.
dhawr (2) Erey ereyada lammane ah lagu isticmaalo oo 'xannaano'ama 'difaac'micneeya. Tus. “Dhididdh.”, “Hantidh.”
dhawr (3) Wixii waxyeello leh oo dhan.
dhawr (4) 1. Xumo ka ilaalin; xannaanayn. 2. Fiirin; u jeedid; eegid. 3. Sugid; korosho.
dhawraari Wax dhawraarin u samayn.
dhawraarimo ld dhawraarin¹.
dhawraarin (1) Wax, wax kale gaashaan dhibaato uga ah. ld dhawraarimo.
dhawraarin (2) eeg dhawraari.
dhawrad Nafley feejignaan badan.
dhawradnimo Dhawrad ahaansho.
dhawran Wax la xafiday ahaansho.
dhawrid eeg dhaw4. ld dhawris, dhawritaan, dhawrmo.
dhawris ld dhawrid.
dhawritaan 1. Ilaalinta wax dhibaato laga ilaaliyo. 2. Eegidda indhaha wax lagu fiiriyo. 3. Sugidda cid la sugo. ld dhawrid.
dhawriwaa (1) 1. Samir yari aan wax lala sugi karin. 2. ld dhawriwaayid.
dhawriwaa (2) Wax sugi kari waayid (cid).
dhawriwaayid eeg dhawriwaa². ld dhawriwaa¹ (2).
dhawrmo 1. Eegmo. 2. ld dhawrid.
dhawrnaan eeg dhawran. ld dhawrnaansho.
dhawrnaansho ld dhawrnaan.
dhawrsad ld dhawrsasho.
dhawrsan Qof xumaanta iyo ceebta iska ilaaliya ahaansho.
dhawrsanaan eeg dhawrsan. ld dhawrsanaansho.
dhawrsanaansho ld dhawrsanaan.
dhawrsasho eeg dhawrso. ld dhawrsad, dhawrsi.
dhawrsi Ilaalinta la iska ilaaliyo xumaan, ceeb iwm. ld dhawrsasho.
<< < 110 111 112 113 114 115 116 117 118 119 120 > >>