Ereyga Maanta: xiltirid
qadee Qado cunid.
qadeyn eeg qadee.
qadeysii Qof dharaarad u dhiibid.
qadeysiin eeg qadeysii.
qadfan Wax la qadfay ahaansho.
qadfanaan eeg qadfan. ld qadfanaansho.
qadfanaansho ld qadfanaan.
qadfid eeg qadaf².
qadhin Meel leh dhir madow yari ku yaal.
qadi (1) ld qadow (1).
qadi (2) 1. Cid wax u diidid. 2. Cunto siin waayid. Tus. “Naagtii baa carruurta iga qadisay.”
qadid eeg qad². ld qatooyo (3).
qadiid 1. Culay weelka biyaha ama caanaha lagu nadiifiyo. 2. Madowga culaygu uu weelka u yeelo.
qadiidi Weel culay ku nadiifin.
qadiidin eeg qadiidi.
qadiidsan Weel wax la qadiidiyey ahaansho.
qadiidsanaan eeg qadiidsan. ld qadiidsanaansho.
qadiidsanaansho ld qadiidsanaan.
qadiim 1. Q. ah: shey gaboobay oo waqti hore ahaa. 2. Q. ah: wax waqtigii la isticmaali lahaa la soo dhaafay oo xumaaday. ld qadiin.
qadiin (1) ld qadiim.
qadiin (2) 1. Midab-gaddoonka ku dhaca xoolaha jirran; yuduun. 2. Badar muddo yiil oo uumi gaaray.
qadin eeg qadi. ld qadis.
qadis ld qadin.
qado Cunnada harki la cuno.
qadoodi Cunto la'aan in muddo ah lagu jiro.
qadow (1) 1. ld qadi 2. Geed yar oo jaadad badan ah dhirta waaweyn korkooda inta ka baxa magoola. 3. Cagaar ay yeeshaan geedaha qaarkood xilliga kaliisha.
qadow (2) Geed qadow bixin.
qadsan ld qatan.
qadsanaan ld qatanaan.
qadsanaansho ld qatanaan.
<< < 1167 1168 1169 1170 1171 1172 1173 1174 1175 1176 1177 > >>