Ereyga Maanta: ilgal
nafhurid eeg nafhur². ld nafhur¹.
nafis ld nefis¹.
nafjeclaysasho eeg nafjeclayso. ld nafjeclaysi.
nafjeclaysi ld nafjeclaysasho.
nafjeclayso 1. Khatar u beerdhigeddeeda ka cabsasho. 2. Ka n.: wax nafac leh oo dad ka dhexeeya gaar u qaadasho. 3. Ka n.: saaxiib dhib kaga baxsasho danaysi dartii.
nafkureeb 1. N. ah: cunto yar oo qof aad u gaajeysan quuto. 2. N. ah: nafley dhaawacan ama daallan oo si kama dambeys ah u dagaalamaya.
naflacaari N. ah: nafley xaalad xun oo wax ka qabashadeedu adagtahay ku sugnaan.
nafley Uunka dunida guudkeeda ku nool inta nafta leh.
nafnac Qof aan kala jeclayn dhimasho iyo nolol.
nafsad 1. Wax nafleyda ku jira oo aan la arkin, lana taaban karin, la'aanteedna aan la noolaan karin. 2. Niyad. 3. Tabar; itaal.
nafsadjab (1) ld niyajab¹.
nafsadjab (2) ld niyajab².
nafsadjebi ld niyajebi.
nafsadjebid ld niyajebid.
nafsadjebin ld niyajebin.
naftihafar Qof maal ama derajo aanu lahayn sheegta oo ku faana.
naftihawir Qof naftiisa meel halis ah geliya; naftihalig.
naftihure N. ah: qof naftiisa u hibeeya difaaca dalkiisa, dadkiisa, dantiisa iwm.
naftir (1) N.kayga, n.kaaga, iwm: israacinta nafley dhaawac ah la israaciyo.
naftir (2) Dhaawac israacin.
naftirid eeg naftir².
nafto Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qaybaha soo baxa mid ka mid ah oo loo adeegsado shidaalka matoorrada diisalka ah. ld naafto.
nag ld neg.
nagaadi (1) ld negaadi¹.
nagaadi (2) ld negaadi².
nagaadin ld negaadin.
nagaan ld negaan.
nagaansho ld negaan.
nagaar Dhir yar-yar oo gaagaaban.
nagaardeeb Geednagaar qodax leh oo xooluhu daaqaan.
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>