rukuman 1. Wax si joogto ah loo helo ahaansho. 2. Ku r.: tiir iwm wax meel ku dhaaban ahaansho.
rukumasho eeg rukumo. ld ruku-mad.
rukumid eeg rukun².
rukumnaan eeg rukuman. ld rukum-naansho.
rukumnaansho ld rukumnaan.
rukumo Qof wax rukun ka dhigasho.
rukun (1) 1. Cid si joogta ah badeeco u qaadata ama ku keenta. 2. Badeeco si joogta ah loo qaato ama loo geeyo. 3. ld rukni (2). Tiir.
rukun (2) U r.: cid si joogto ah wax u siin.
rukuuc (1) Jilbo-qabsashada uu qof tukanayaa sameeyo isaga oo foorarsanaya. ld rakuuc¹.
rukuuc (2) Qof tukanaya jilbo-qabsasho isaga oo foorarsanaya. ld rakuuc².
rukuucid eeg rukuuc². ld rakuucid.
rukuucsan Rukuucay ahaansho (qof). ld rakuucsan.
rukuucsanaan eeg rukuucsan. ld rakuucsanaan, rakuucsanaansho, ru-kuucsanaansho.
rukuucsanaansho ld rukuucsanaan.
rumayn eeg rumee.
rumaysad ld rumaysasho.
rumaysan Qof wax aaminsan ahaansho.
rumaysasho eeg rumayso. ld rumay-sad, rumaysi.
rumaysi ld rumaysasho.
rumaysnaan eeg rumaysan. ld ru-maysnaansho.
rumaysnaansho ld rumaysnaan.
rumayso Wax jiritaan-kooda dhab u qaadasho.
rumee 1. Wax run ka dhigid. 2. Wax run u qaadasho.
rumeynta Anarjism (siyaa.) Siyaasadda aaminsan dhamaan awood iyo sharciyada dawladaha ama ururrada in lagu beddelo dadka ama kooxo u wada shaqeynaya si xor ah.
rummaan (1) 1. Geedgaab la beero oo caleemo balballaaran, ubax iyo miro macaan oo la cuno leh. 2. Miraha geedka rumaanka. 3. Qof xabsi ku jira oo xukun sugaya. 4. Nooc ka mid ah sariirihii hore oo alwaaxda qurxan oo la xardhay ka samaysan, oo leh rukummo kor u dhaa-dheer.
rummaan (2) Maro midabkeedu isugu jiro madow guduud iyo caddaan ama garbasaar ama guntiino ahaan loo istic-maalo.
rummay Qori qoyan oo dhirta qaarkeed laga goosto oo ilkaha lagu sifaysto.
rummayan Wax rummay lagu nadiifiyey ahaansho (ilko).
rummayasho eeg rummayo.
rummaynaan eeg rummayan. ld rummaynaansho.
<< < 1274 1275 1276 1277 1278 1279 1280 1281 1282 1283 1284 > >>