Ereyga Maanta: celcelis-joometeri
santeecsan Qof wax derbi, kursi iwm ku tirsan ahaansho.
santeecsanaan eeg santeecsan. ld santeecsanaansho.
santeecsanaansho ld santeecsanaan.
santeecsasho eeg santeecso.
santeecso Kursi, derbi iwm ku tiirsasho.
santi ld senti.
santuukh ld sanduuq.
santuur (1) Qori marka hashu ilmaha diiddo sanka looga xiro oo mayrax lagula duubo.
santuur (2) Hal ilmo diiddey sanka qori uga xirid.
santuuran Hal wax la santuuray ahaansho.
santuurnaan eeg santuuran. ld santuurnaansho.
santuurnaansho ld santuurnaan.
sanuun (1) 1. Sunbaax ama urta ka soo baxda hilib la shiilayo ama la dubayo. 2. Saac-xumo dhacda oo wax kasta khayrka ka qaadda.
sanuun (2) Hilib la shiilayo ama la solay sunbaaxid.
sanuunad Iidaan ka samaysan hilib, khudaar, dufan iyo geedo udgoon oo la isku shiilay; suugo.
sanuunadayn eeg sanuunadee.
sanuunadaysan Wax sanuunad leh ahaansho.
sanuunadaysnaan eeg sanuuna-daysan. ld sanuunadaysnaansho.
sanuunadaysnaansho ld sanuuna-daysnaan.
sanuunadee Cunto sanuunad u yeelid.
sanuunid eeg sanuun².
saq 1. Hurdo dheer. 2. Habeen bar.
saqaaf (1) ld saqaafe.
saqaaf (2) Macne la'aan socosho. ld saqaafee.
saqaafe Socod warwareeg ah oo lagu qaraabto. ld saqaaf¹.
saqaafee ld saqaaf².
saqaafeyn ld saqaafid.
saqaafid eeg saqaaf². ld saqaafeyn.
saqaf (1) ld saanqaaf.
saqaf (2) Qori xalleefsan, ilko leh timaha dhaadheer lagu shanleeyo.
<< < 1310 1311 1312 1313 1314 1315 1316 1317 1318 1319 1320 > >>