Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
saxo (1) Xaaladda uu ku sugan yahay jir aan cudur hayn. ld sixo¹.
saxo (2) 1. (f.g) Wax sax ka dhigasho. 2. (f.mg) Wax la liqay oo hunguriga cad aaday ku qufacid. ld sixo².
say (1) Wax naag ninka qabaa u yahay.
say (2) Wax isku garab safid.
sayaaq Qof ka shaqeeya farsamaynta dahabka, qalinka iwm.
sayanooko-baalamin (daaw.) Madoo-baashada maqaarka iyo xuubabka daboola daloolalada jirka: indhaha, afka, futada, siilka iwm. Waxaana keena oksijiinka oo ku yaraada dhiigga.
sayax (1) 1. Qoyaanka gabaddanadu keento; dharab. 2. ld sayaxid.
sayax (2) (juqr.) Dhammaadka fud baraf, kolka herkulku kor uga kaco barta biyuhu ku fadhiistaan, barafkuna uu biyoobo. Loolalka sare sayaxu waa dhacdo sanadeed muhimad weyn leh, oo dhaca gu'walba, waxana ku xiga milmidda barafka iyo ado-barafeedka iyo wabiyada.
sayax (3) Wax gabaddano ku qoyid.
sayaxe (fiis.) Walax ka nuugi karta biyaha atomosfiyeerka.
sayaxid eeg sayax³. ld sayax¹.
sayaxsan Wax gabaddano ku qoyey ahaansho.
sayaxsanaan eeg sayaxsan. ld sayax-sanaansho.
sayaxsanaansho ld sayaxsanaan.
sayid (1) Waayeel; madax; shariif.
sayid (2) 1. eeg say². 2. Isbarbardhigid; sarcid (dun, liilammo iwm).
saylaamid eeg saylaan².
saylaan (1) 1. S. ah: saymaha roobka. 2. Socod aan kala joogsi lahayn.
saylaan (2) Socod aan joogsi lahayn socosho.
saylaandhabasho ld saylaandhaw.
saylaandhaw Qaylo iyo buuq dagaal wehliyo oo ay cidi samayso. ld saylaan-dhabasho.
saylad 1. Meel laysugu yimaado oo alaabta iyo waxyaalaha ganac-siga ah lagu kala beddesho. 2. Suuq xoola-ha lagu kala iibsado. ld seylad, siilad.
saylam (bot.) Nudo u qaada biyaha iyo macaadinta nafaqada leh ee ku milan dhirta kelli.
sayle Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka webiyada.
saymo 1. Belaayo, halis. 2. eeg sayn¹.
sayn (1) Addin roob ah oo aan ballaarayn oo meel ka hoora.
sayn (2) Timo bul ah oo xayawaanka qaarkiis dabada fooddeed uga yaal.
sayncaddaa Nin da'weyn oo waaya-arag ah. ld sayncadde.
sayncadde ld sayn-caddaa.
saynis Cilmiga barashada noolaha iyo manoolaha.
<< < 1320 1321 1322 1323 1324 1325 1326 1327 1328 1329 1330 > >>