Ereyga Maanta: simuum
shiiqsasho eeg shiiqso. ld shiiqsad, shiiqsi.
shiiqsi ld shiiqsasho.
shiiqso Quwaax iwm iyadoo la calalinayo dhacaan ka nuugid.
shiir (1) Ur aan aad u qurmuunayn sida kan dhididka dadka iwm.
shiir (2) Shiir yeelasho.
shiiraar Awr raran aad u daalid.
shiiraarid eeg shiiraar.
shiiraarsan Rati raran wax aad u daalay ahaansho.
shiiraarsanaan eeg shiiraarsan. ld shiiraarsanaansho.
shiiraarsanaansho ld shiiraar-sanaan.
shiiran Nooc kalluunka ka mid ah.
shiirid eeg shiir².
shiis (jool.) Dhadhaab dhalan rogan oo u kala jajabi karta saxanno badan oo fidsan khafiifna ah (thin plates) kulka badan iyo cadaadiska dartood.
shiish (1) 1. (-shash, m.l) Kurtun yar, bir ah oo ka soo taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo marka wax la nishaabayo iyada iyo fantax yar oo iyaduna buntukha meel dhexe oo hore kaga taal laysku abbaaro. 2. Nishaab; toog.
shiish (2) Wax nishaabid.
shiish-bibanji ld banji-bishiish.
shiish-bibiish ld banji-bibiish.
shiish-bicaddaan ld caddaan-bishiish.
shiish-bidooh ld dooh-bishiish.
shiish-bijoohaar ld joohaar-bishiish.
shiish-bisaliim ld saliim-bishiish.
shiish-biyeeg ld yeeg-bishiish.
shiishad Dhagax dubnadeed oo wajiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min lix dhibcood ku leh.
shiishid eeg shiish².
shil Dhibaato si lama filaan ah u dhacda.
shilimmow Cudur qaniiyada shilinta laga qaado.
shilin (1) Lacag sarrif ah oo ka samaysan bir qiimaheeduna u dhigmo 100 senti.
shilin (2) Xasharaad siddeed lugood leh oo jaadad badan, baalalna aan lahayn oo dhiigga xoolaha ku nool cudurrana keenta.
shilis (1) Nafley baruur badan leh.
shilis (2) Nafley wax baruur badan leh ahaansho.
<< < 1348 1349 1350 1351 1352 1353 1354 1355 1356 1357 1358 > >>