Ereyga Maanta: nadalo
taroox Qof tuugannimo u banbaxay.
tarraaqad Kalluunka badda jaad ka mid ah oo u eg tebedinta.
tarraar (1) Ood laba beerood oo isa saaran u dhexeysa.
tarraar (2) Summad Alif dheer u eg oo garabka ilaa caloosha gaaraya oo geela lagu dhigo.
tarraje Geedo yaryar oo xoolaha ay cunaan, siiba geela.
tarraq Qoryo yaryar oo la farsameeyey oo afka baaruud ku leh; kabriid.
tarrar (1) Dillaac, jeex. ld qarrar¹.
tarrar (2) Wax adag dillaac yeelasho. ld qarrar².
tarrari Wax af dillaac u yeelid. ld qarrari.
tarrarid tarrar². ld qarrar¹, qarrarid, tarrar¹.
tarrarin eeg tarrari. ld qarrarin.
tarrax (1) ld tarrixid.
tarrax (2) Wax yar wax badan ku dhex darid.
tarraxan Ku t.: wax la tarraxay ahaansho.
tarraxnaan eeg tarraxan. ld tarrax-naansho.
tarraxnaansho ld tarraxnaan.
tarraxo Geed yar oo asal wanaagsan laga helo.
tarraysad ld darraysasho.
tarraysasho ld darraysasho.
tarraysi ld darraysasho.
tarrayso ld darrayso.
tarriiq (1) 1. Dillaac, jeex. 2. Waddo laba degmo isku xirta.
tarriiq (2) Wax jeexid.
tarriiqan (1) Wax la jeexay noqosho.
tarriiqan (2) Wax la jeexay ahaansho.
tarriiqid eeg tarriq².
tarriiqmid eeg tarriiqan¹.
tarriiqnaan eeg tarriiqan². ld tarriiqnaansho.
tarriiqnaansho ld tarriiqnaan.
tarrixid eeg tarrax². ld tarrax¹.
<< < 1420 1421 1422 1423 1424 1425 1426 1427 1428 1429 1430 > >>