Ereyga Maanta: qamandhacoo
tuurid (1) eeg tuur³. ld tuulid, tuurniin.
tuurimo In wada jirta oo badan; wax meel tuuran.
tuurin 1. Qori yar oo af fiiqan leh oo hasha irmaan sanka looga mudo si ilmo loogu sidko. 2. Qori yar ooo af fiiqan leh oo timaha lagu tuuro.
tuuris ld tuurid.
tuurmadow Libaax-badeed jaad ka mid ah.
tuurnaan eeg tuuran, tuuran¹. ld tuulnaan, tuulnaansho, tuurnaansho.
tuurnaansho ld tuurnaan.
tuurniin ld tuurid.
tuuro 1. (f.g) Wax meel isugu geysasho. 2. (f.mg) Wax meel isugu imaasho. 3. Timaha tuurid.
tuurre Nin tuur leh.
tuuryayn eeg tuuryee. ld tuuryo.
tuuryee Wax tuuryo isdaba joog ah la dhicid.
tuuryo ld tuuryayn.
tuutayn eeg tuutee. ld tuutays.
tuutays ld tuutayn.
tuutee 1. Cid si wada jir ah wax u yeelid 2. Si degdeg ah u socosho (qof)
tuutuu Qori shiishka lagu barto oo xabbado af fiiqan dabadana bul ku leh ay ka dhacaan.
tuux Tirsi loo adeegsado cayaarta delebka.
tuwaal Maro culus oo duf leh oo marka la qubaysto biyaha kora looga qallajiyo, shukumaan. ld taweel, tuweel.
tuweel ld tuwaal.
tuxle 1. Qof xan badan. 2. Orod la sameeyo iyadoo la fooraro.
u (1) (u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga, waana shaqal.
u (2) u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.
ubad Dhasha yaryar ee xoolaha iyo dadka.
ubax Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan; waa caleemo midabyo badan oo qurxoon; xay; man.
ubaxaysad ld ubaxaysasho.
ubaxaysi ld ubaxaysasho.
ubaxayso Ubax yeelasho (geed). ld ubxayso.
ubaxdhig Dhigidda la dhigo meelo taariikhi ah ubax.
ubaxley Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.
<< < 1455 1456 1457 1458 1459 1460 1461 1462 1463 1464 1465 > >>