Ereyga Maanta: Sawaab
umminnimo Ummi ahaansho.
ummiya Shareero.
ummul (1) Qof dumar ah oo kolkaas ilmo dhashay.
ummul (2) Ilmo uur ku jiray dhalid.
ummuladdoox 1. Dilaa aan cidna u nixin oo wuxuu arkaba dila. 2. Colaad aan cidna la reebin.
ummulbax (1) Dhammaadka afartanka casho ee ugu dambeeya kolka ay hooyadu ummusho.
ummulbax (2) Afartanka casho ee ummusha lagu jiray dhammaysasho.
ummulbixi Hooyo dhashay, intay afartanka casho ee ummusha ka dhammaysanayso u adeegid; nafaqgayn.
ummulbixid eeg ummulbax².
ummulbixin eeg ummulbixi.
ummuli Ilmo ka dhalin.
ummulid eeg ummul².
ummulin eeg ummuli. ld ummulis.
ummulis ld ummulin.
ummuliso Haweeney aqoon u leh sida loo dhaliyo naagaha.
ummuliye Nin yaqaan sida loo dhaliyo ummuliyo haweenka ummulaya.
ummulow Cudur ku dhaca dumarka ummula.
ummulraac (1) Geerida ku timaada haweeney ummulaysa ama ummushay.
ummulraac (2) Haweeney ummushay dhimasho. ld ummulraaco.
ummulraacasho ld ummulraacid.
ummulraacid eeg ummulraac².
ummulraaco ld ummulraac².
ummuur ld ammuur².
ummuuraysan ld ammuureysan.
ummuuraysnaan ld ammuureysnaan.
ummuuraysnaansho ld ammuureysnaansho.
uneexo ld aneexo.
unfaxyee Neef ari ah unfaxyo keenid.
unfaxyeyn eeg unfaxyee.
unfaxyo Dhiig ka yimaada neef ari ah oo bilihii ugu horreeyay dhiciyay.
<< < 1461 1462 1463 1464 1465 1466 1467 1468 1469 1470 1471 > >>