talaggal (1) 1. T. ah: qof talo bixin kara; ujedda; qorshe. 2. ld talaggelid.
talaggal (2) Ku t.: wax qorshaysasho.
talaggeli Qof wax kala tashasho.
talaggelid eeg talaggal². ld talaggal¹ (2).
talaggelin eeg talaggeli.
talajeedin Soo t.: fikrad laga dhiibto arrin.
talajir Ku t.: wax samayntooda ku talaggelid.
talajirid eeg talajir.
talal (1) Taah.
talal (2) Nafley taahid.
talalid eeg talal².
talambaabo Wax si joogto ah uga fe-kerid.
talantaalli 1. Wax si kala googo'an oo waqti u dhexeeyo u dhaca. 2. Laba xaglood oo isla eg oo iska soo horjeeda.
talanteel (1) ld teelteel¹.
talanteel (2) ld teelteel².
talanteelid ld teelteelid.
talaqaadasho eeg talaqaado.
talaqaado Waano qaadasho.
talarraac Qof madax adkayn oo talada si sahlan u qaata.
talasaarad ld talasaarasho.
talasaarasho eeg talasaaro. ld tala-saarad.
talasaaro Cid arrin u wakiilasho.
talaxgab (1) ld talaxgabid.
talaxgab (2) Nafley jirro awgeed la tamardhigid.
talaxgabid eeg talaxgab². ld talaxgab¹.
talaxtag Ku t.: wax aad ugu xadgudbid.
talaxtegid eeg talaxtag.
taleefan 1. Qalab hirar birlab danabeedka ku qaada silig oo leh qayb hadalka dirta iyo mid qabata oo ay ku wada hadlaan laba qof oo kala fog. 2. Hadalka taleefoonka la isku gaarsiiyo. ld telefoon.
talfiiq Qoryo yaryar oo caarad dhuuban oo wax mudda leh.
tali 1. U t.: cid meel xukumid. 2. Ka t.: meel xukunkeeda qabsasho. 3. Ku t.: arrin talo ka bixin.
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>