Ereyga Maanta: sawrac
dhoofsan 1. Wax la dhoofiyay ahaansho. 2. Wax la soo dhoofiyay ahaansho.
dhoofsanaan eeg dhoofsan. ld dhoofsanaansho.
dhoofsanaansho ld dhoofsanaan.
dhoofsasho eeg dhoofso.
dhoofso Badeeco dal kale u iibgeysasho.
dhoohan Qof had iyo jeer aan feejignayn oo waxa hareerihiisa ka dhacaya aan la socon.
dhoohanaan eeg dhoohan. ld dhoohanaansho, dhoohnaan, dhoohnaansho.
dhoohanaansho ld dhoohanaan.
dhoohnaan ld dhoohanaan.
dhoohnaansho ld dhoohanaan.
dhookayn eeg dhookee.
dhookaysan Ka dh.: wax, wax kale saaran ahaansho.
dhookaysnaan eeg dhookaysan. ld dhookaysnaansho.
dhookaysnaansho ld dhookaysnaan.
dhookee Ka dh.: wax, wax kale dul saarid.
dhool (1) Foodda sare, oo cad ee daruur da'aysa.
dhool (2) 1. Ilkaha foolasha iyo miciyaha u dhexeeya midkooda. 2. Masaar yar oo geedaha yaryar lagu gooyo.
dhoolaal (1) Dh. ah: orgi ama dibi doolaalo tagay.
dhoolaal (2) Doolaalada orgiga ama dibigu sameeyaan.
dhoolaal (3) Orgi ama dibi doolaalo tegid.
dhoolaalid eeg dhoolaal³.
dhoolbir (1) 1. Qosol yar oo ilka caddays ah; dhoolla caddeys. 2. ld dhoolbirid.
dhoolbir (2) Qosol yar ilkuhu muuqdaan qoslid; muusood; muusadbid.
dhoolbirid eeg dhoolbir². ld dhoolbir¹ (2).
dhoolbishiicis Dhoolla caddayn.
dhooldillaac (1) 1. Qosol yar oo ilka caddays ah; dhoolla caddeys. 2. ld dhooldillaacid.
dhooldillaac (2) Qosol ilka caddeyn ah qoslid.
dhooldillaacid eeg dhooldillaac². ld dhooldillaac¹ (2).
dhoolgaad Masaar yar oo lagu dagaalamo.
dhooli 1. Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado; wasaasin. 2. Baabuur qafilan oo dad jirran ama dhaawaca ah lagu qaado.
<< < 147 148 149 150 151 152 153 154 155 156 157 > >>