Ereyga Maanta: faajafaajo
caafimaadqab (1) Xaalad caafimaad leh oo nafley ku sugnaato. ld caafimaadqabid.
caafimaadqab (2) Xaalad cafimaad ku sugnaan.
caafimaadqabid eeg caafimaadqab². ld caafimaadqab¹.
caafimaadsan Wax caafimaad leh ahaansho.
caafimaadsanaan eeg caafimaadsan. ld caafimaadsanaansho.
caafimaadsanaansho ld caafimaad-sanaan.
caafin eeg caafi. ld caafis.
caafis ld caafin.
caafiyad Xaalad cudur la'aan ee ay nafley ku sugnaato; fayoobi. ld caafiyo.
caafiyo ld caafiyad.
caag (1) 1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh.
caag (2) Walax loo yeeli karo qaab marka la adeegsado kul ama cadaadis. Caagagga badankooda waxa laga sameeyaa “xabko” macmal ah oo la tarmiyey.
caag (3) Ka c.: gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'id.
caaggan 1. Wax gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'ay ahaansho. 2. Ka c.: ka reeban.
caagganaan eeg caaggan. ld caagga-naansho.
caagganaansho ld caagganaan.
caagid eeg caag³.
caaji Qof in uu wax ka caago gayeysiin.
caajin eeg caaji.
caajis (1) 1. Firfircooni la'aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. ld cajis¹.
caajis (2) Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. ld cajis².
caajisad Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. ld cajisad.
caajisan Qof caajis ah noqosho. ld cajisan.
caajisi Qof cajis ka dhigid. ld cajisi.
caajisid eeg caajis². ld cajisid.
caajisin eeg caajisi. ld cajisin.
caajisnaan eeg caajisan. ld caajisnaansho, cajisnaan, cajisnaansho.
caajisnaansho ld caajisnaan.
caajisnimo Caajis ahaansho. ld cajisnimo.
caal (1) Cudur lo'da, idaha ka barariya caloosha oo uu keeno gooryaan caloosha kaga dhashay.
<< < 180 181 182 183 184 185 186 187 188 189 190 > >>