Ereyga Maanta: bedertami
jawni Miro qolof ka saarid.
jawnin eeg jawni. ld jawnis.
jawnis ld jawnin.
jawnsad ld jawnsasho.
jawnsan Miro la finjilay ahaansho.
jawnsanaan eeg jawnsan. ld jawn-sanaansho.
jawnsanaansho ld jawnsanaan.
jawnsasho jawnso. ld jawnsad.
jawnso Miro qolof kala bixid.
jawr (1) Xukun aan xaq ahayn; caddaalad darro. ld jowr¹.
jawr (2) Caddalad darro samayn. ld jowr².
jawrar (1) 1. Dildillaac wax yeeshaan. 2. ld dildillaacid.
jawrar (2) Wax dildillaac yeelasho.
jawraran Wax jawraray ahaansho. ld jawrarran.
jawrarid eeg jawrar². ld jawrar¹ (2).
jawrarnaan jawraran. ld jawrar-naansho.
jawrarnaansho ld jawrarnaan.
jawrarran ld jaw-raran.
jawrfal (1) Xadgudub, caddaaladdarro cidi samayso ld jowrfal¹.
jawrfal (2) Ku j.: qof ku xad gudbid. ld jowrfal².
jawrfaleen Qof caado ka dhigtay in uu caddaalad darro sameeyo. ld jowrfaleen.
jawrfalid eeg jawrfal². ld jowrfalid.
jawrid eeg jawr². ld jowrid.
jawriir Caw dharid.
jawriirid eeg jawriir.
jaws (bot.) Miro yicibta u eg oo shaaha lagu darsado. ld jows.
jaxaas (baay.) Xuub ku daboolan sooh ama xubin. Tusaale: kelyaha, qanjir kelyoodyada, indhaha birtooda waxa ku daboolan j. ld yaxaas.
jaxeer 1. Cawl lab. 2. Qof aan da'du ka muuqan. 3. Qof kaftan badan. ld jexeer.
jay 1. ld jaay. Dhagxaan yaryar oo dhismaha loo isticmaalo. 2. J. ah: qof dhuuban oo xoog badan.
jaynaf (1) Qolof jirku yeesho oo qabowgu keeno.
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>