Ereyga Maanta: gur
laqan (2) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da'yaraan ku dhimasho.
laqannimo Laqan ahaansho.
laqanyayn eeg laqanyee.
laqanyee Cid laqanyo dareensiin.
laqanyo (daaw.) Liidaanyo ay keenaan baruur iyo subag badan oo la cunay; ladaadyo; lallabbo.
laqanyoo Laqanyo dareemid.
laqanyood eeg laqanyoo.
laqaybshe Wax ama tiro la qaybinayo.
laqbayn eeg laqbee. ld laqbays.
laqbays ld laqbayn.
laqbee Kutub wax ku qoran fasirid.
laqbo Fasiridda wax kutub ku qoran la fasiro.
laqdabo 1. Qiyaano; dhagar. 2. ld ladqabo (2).
laqid ld liqid.
laqimaad (dii.) Marka qof la kirishtaaminaayo, waxaa biyo ku shuba madaxa kirishtaanka taasoo ay calaamad u tahay in uu ka mid noqday kaniisada kiristaanka, dambigiisna uu dhaqmay.
laqin 1. U l.: qof wax la barayo u meerin. 2. U l.:qof sakaraad ah oo in uu dhimanayo la moodo ashahaado u marin.
laqinid eeg laqin.
laqlajis (bot.) Geed faalala oo leh laamo iyo caleemo jilicsan oo xooluhu daaqaan.
laqmad ld laqmasho.
laqmasho eeg laqmo. ld laqmad.
laqmid eeg laqan².
laqmo (1) 1. Rabsho badan (qof dhallinyar). 2. Dhallinyaro ahaan ku dhimasho.
laqmo (2) Qof da'yaraan ku dhimasho.
laqsan ld liqsan.
laqsanaan ld liqsanaan.
laqsanaansho ld liqsanaan.
laqsii ld liqsii.
laqsiin ld liqsiin.
laqwi (1) Oraah diinta gef ku ah oo bareer loo yiraahdo.
laqwi (2) Hadal diinta gef ku ah ku hadlid.
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>