cidloo Wehel la'aan dareemid.
cidloobid eeg cidlow.
cidlood eeg cidloo.
cidlow Meel, wax cidla'ah noqosho.
cidmid eeg cidan².
cidnaan eeg cidan³. ld cidnaansho.
cidnaansho ld cidnaan.
cif ld cifo.
cifasho eeg cifo. ld cifid, cigasho, cigid.
cifid ld cifasho.
cifo Hanti luntay ama baabba'day beddelkooda helid. ld cif, cig, cigo.
cifriid ld cirfiid.
cig ld cifo.
cigaal (1) Xarig dun madow ka samaysan oo cimaamadda madaxa lagula xajiyo.
cigaal (2) Tuuryo meel dheer ku dhacda.
cigaal (3) Tuuryo meel dheer ku dhicid.
cigaalid eeg cigaal³.
cigan (1) 1. C. ah: dhul geed qodxeedku ku badan yahay. 2. Dhul leh dhir aan weli la daaqin.
cigan (2) Meel, wax geedo leh oo aan la daaqin noqosho.
cigan (3) Weel, wax hoore laga buuxiyey ahaansho.
cigasho ld cifasho.
cigid ld cifasho.
cigmid eeg cigan².
cignaan eeg cigan³. ld cignaansho.
cignaansho ld cignaan.
cigo ld cifo.
ciid (1) 1. Dhulka qaybtiisa sare ee dhirtu ka baxdo oo ka samaysanta dhagxaan ay dabeel, qorrax iwm burburiyeen; carro. 2. ld iid 1. Maalin ay ummad qaddariso oo hawlaha laga nasto.
ciid (2) Maalin la qaddarinayo u damaashaadid (ummad). ld iid².
ciidaggale Halaq yar, aan halis ahayn, midabka ciidda leh oo ciidda ku dhex nool. ld ciiddaggale.
ciidami U c.: qof, cid hawl u qabasho.
<< < 243 244 245 246 247 248 249 250 251 252 253 > >>