Ereyga Maanta: cirbi
cuqdi ld cuqdad².
cuqdo ld cuqdad².
cuqubayn eeg cuqubee.
cuqubaysan Qof cuqubo ku dhacday ahaansho.
cuqubaysnaan eeg cuqubaysan. ld cuqubaysnaansho.
cuqubaysnaansho ld cuqubaysnaan.
cuqubee Cid nabsiyid.
cuqubo Dhibaato weyn, cid ku dhacda oo kaga timaada nabsi uu galay.
cuquul eeg caqli.
cuquulayn eeg cuqulee.
cuquule Rajo weyn oo wax in la helo laga qabo.
cuquulee Wax in la helo rajo ka qabid.
cur 1. Carjawda qulaanqulshaha hunguriga cad oo ku taal cunaha ragga oo xagga dibadda u soo taagan; halcun. 2. Qoorta hor ee dhuuban o weelasha qaarkood leeyihiin; sida: dhalada, ubbada iwm.
curaar 1. Hanti laga sii hayo cid wax amaahatay; rahan. 2. Cid xoog lagu haysto, si haystayaashu wax gaar ah ugu helaan.
curad (1) Wiilka ugu horeeya ee qof u dhasha. ld corad.
curad (2) Gabarta ugu hooreysa ee qof u dhalata. 2. Neef xoolo ah oo da'ama ka badan dhalay. ld corad.
curadnimo Curad ahaansho.
curadweyn Riyaha intooda curada ah.
curadxige Wiil ama gabar dhalasho ku xiga curadka. ld curadxigeen.
curadxigeen ld curadxige.
curan (1) Xirmidda sanka neeftu ku xiranto, duray, sanboor iwm awgood.
curan (2) Wax neeftu ku xirantay noqosho (san).
curan (3) Wax neeftu ku xirantay ahaansho (san).
curasho eeg curo.
curato Xoolo inta wax dhashay.
curcur (1) 1. Meesha ay dhudhunka iyo calaacasha iska galaan. 2. Lafta dheer oo gacanta ee u dhexeysa suxulka iyo jalaqleyda.
curcur (2) Buur yar; kood; gunbur.
curcuri Dhudhun wax ku cabbirid.
curcurin eeg curcuri. ld curcuris.
curcuris ld curcurin.
<< < 267 268 269 270 271 272 273 274 275 276 277 > >>