Ereyga Maanta: Sawaab
cuurad ld cuurasho.
cuuran (1) Wax aad u buuxa noqosho (weel).
cuuran (2) Wax la cuuray ahaansho (weel).
cuurasho eeg cuuro. ld cuurad.
cuurcuur Socoshada gaar ah haweeney gaboobtay oo butucsan.
cuurid eeg cuur².
cuurmid eeg cuuran¹.
cuurnaan eeg cuuran². ld cuurnaansho.
cuurnaansho ld cuurnaan.
cuuro Weel aad u buuxsasho.
cuurxirad God gaar ahaaneed oo ka mid ah godadka lagu dheelo ciyaarta leylada oo qof u xiran.
cuwaaf Cunto yar oo khafiif ah oo la cuno inta u dhexeysa waqtiyada rasmiga ah ee wax la cuno.
cuwaafad cuwaafasho.
cuwaafasho eeg cuwaafo. ld cuwaafad.
cuwaafo Cuwaaf cunid.
d (da') Xarafka afaraad ee xurufta soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).
da' (1) 1. ld da'aad. Inta sano, bilo, maalmo iwm ee nafley jirto laga bilaabo maalintii uu dhashay; cumri. 2. D. ah: qof sanado badan jira; duq. 3. Dad hal casri wada nool.
da' (2) 1. Roob cirka ka imaansho. 2. Hoore, si dhibic dhibic ah u daadasho.
da'aa Sida cilmiga cimiladu uu sheegayo, waa biyaha qaabkoodu dareere ama adagyahay, oo dhulka uga yimaada xagga gibilka.
da'aad eeg da' (1)
da'fur (1) 1. Ratigu marka u qooqbaxo. 2. ld da'furid. Ka baabi'idda qooqu ka baaba'o awr.
da'fur (2) Qooq ka bi'id (awr).
da'furid eeg da'fur². ld da'fur¹ (2).
da'oobid eeg da'ow.
da'ow Duq noqosho (qof).
da'weyn Duq ahaansho (qof).
da'weynaan eeg da'weyn. ld da'wey-naansho, da'weyni.
da'weynaansho ld da'weynaan.
da'weyni ld da'weynaan.
da'yar (1) Dhallinyaro. ld da'yaro.
<< < 272 273 274 275 276 277 278 279 280 281 282 > >>