Ereyga Maanta: yalaalugood
daarnaan eeg daaran². ld daarnaansho.
daarnaansho eeg daarnow. ld daarnaansho.
daarnow Wax daaran noqosho.
daaro 1. Wax shidasho (dab, nal, raadiyo,telefishan iwm). 2. Qof tartiib u taabasho.
daaruqayn eeg daaruqee. ld daaruqays.
daaruqays ld daaruqayn.
daaruqaysan Wax caallirsan ahaansho (boog).
daaruqaysnaan eeg daaruqaysan. ld daaruqaysnaansho.
daaruqaysnaansho ld daaruqaysnaan.
daaruqe Dixri yaryar oo boogaha ku dhasha.
daaruqee Boog dixri ku dhalin (diqsi).
daaruqoobid eeg daaruqow.
daaruqow Wax caalliray noqosho (boog).
daas 1. Guri. 2. Dukaan.
daasad Weel bir ka samaysan oo cunnada, cabitaanka iwm ee la keydinayo lagu alxamo; qasac.
daash Dhismo kor ka dadan, hareeraha ka furan oo carshaanta, baraakoyinka, mundullada iwm hortooda lagu dhiso.
daata (xis.) Xaqiiqooyin ama warar la isa siiyay ama la soo ururiyay si loo baro. D. waxa lagu muujin karaa garaaf jiitimeed, garaaf sawireed iwm.
daawad ld daawasho.
daawade (riw.) Qof masrax, filim, ciyaar iwm daawanaya.
daawadhigad ld daawadhigasho.
daawadhigasho 1. Daawayeelad. 2. eeg daawadhigo. ld daawadhigad.
daawadhigo Daawa- yeelasho.
daawaley D. ah: dad heshiis wax wadaqabsi iyo is-taakulayn ka dhexeeyso.
daawasho eeg daawo². ld daawad.
daawe ld taawo¹.
daawee 1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. ld daaweysii, dawee, daweysii.
daaweyn eeg daawee. ld daaweysiin, daweyn, daweysiin.
daaweynta-fiisikaad (daaw.) Qayb daaweyn oo lagu isticmaalo habab iyo qalab fiisikaad si loo daryeelo caafimaadka; waxaana la isticmaala: nal, fallaaraha ultrafayolet iyo infrareed, kul, koronto, riix-riixid, tuujin iyo ciyaaro waxtar ah.
daaweysad ld daaweysasho.
daaweysasho eeg daaweyso. ld daaweysad, daaweysi, daweysad, dawey- sasho, daweysi.
<< < 282 283 284 285 286 287 288 289 290 291 292 > >>