Ereyga Maanta: heeti
daldalnaan eeg daldalan. ld daldalnaansho, deldelnaan, deldelnaan- sho.
daldalnaansho ld daldalnaan.
daldalo Wax meel wada yaal hadba in ka qaadasho.
daldalool (1) 1. Daloollo badan oo uu weel iwm yeesho. 2. Iimo; ceebaal. ld dulduleel¹.
daldalool (2) Wax daloollo badan yeelasho. ld dulduleel².
daldalooli Wax daloollo badan yeelid. ld dulduleeli.
daldaloolid eeg daldalool². ld dulduleelid.
daldaloolin eeg daldalooli. ld daldaloolis, dulduleelin, dulduleelis.
daldaloolis ld daldaloolin.
dalee 1. Wax cusboonaysiin ama qurxin. 2. Guri, meel ay hawo ka soo gasho u yeelid. 3. Dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah nasin.
daleel 1. Meel bannaan oo aan dugsi lahayn. 2. D. ah: meel cidla'ah.
dalid eeg dal².
daliig (1) 1. Jilcinta lagu sameeyo caw, maqaar iwm iyadoo qalab gaar ah la adeegsanayo. 2. Daaweynta muruq jirran iyadoo faraha la adeegsanayo. ld daliigid.
daliig (2) 1. Cad dhuuban, dheer oo ka samaysan maro, caw, maqaar iwm. 2. Xarriiq dheer, dhuuban oo wax ku dul taal.
daliig (3) 1. Caw, maqaar iwm qalab gaar ah oo looga tala galay ku jilcin. 2. Muruq jirran faraha ku daaweyn.
daliigid eeg daalig³. ld daliig¹.
daliigtin Summad jiitin ah oo ariga daanka looga dhigo.
daliil (1) D. ah: qof dullinimo ka muuqato.
daliil (2) Markhaati cad oo wax xaqiiqnimadiisa lagu caddeynayo.
daliili Wax xaqiiqadooda sheegid.
daliilin eeg daliili.
daliilnimo Daliil ahaansho (qof).
daliiq 1. Caw, maqaar iwm kala jeexid. 2. Ka d.: qof dhar, darajo iwm si sharaf darro ah uga qaadid. 3. Ka d.: mindi, seef iwm galka ka saarid.
daliiqan Wax la daliiqay ahaansho.
daliiqid eeg daliiq.
daliiqnaan eeg daliiqan. ld daliiqnaansho.
daliiqnaansho ld daliiqnaan.
daliishad ld daliishasho.
daliishasho eeg daliisho. ld daliishad.
daliisho Wax daliil ka dhigasho.
<< < 308 309 310 311 312 313 314 315 316 317 318 > >>