Ereyga Maanta: margaag
danaysasho eeg danayso. ld danaysad, danaysi.
danaysi Qabsashada qof uu qabsado dan uu leeyahay. ld danaysasho.
danaysnaan eeg danaysan. ld danaysnaansho.
danaysnaansho ld danaysnaan.
danayso Qof, dan u gaar ah fushasho.
danayste Qof dantiisa keliya ka fekera.
danbiil ld dambiil.
dandaami Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo la socosho. ld daddaami.
dandaamin eeg dandaami. ld daddaamin.
dandaan Dhagax weyn.
dandaansad ld dandaansasho.
dandaansasho eeg dandaanso. ld daddaansad, daddaansasho, dandaansad.
dandaanso Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo qaadasho. ld daddaanso.
dandarrayn eeg dandarree.
dandarraysan Wax dandarro hayso ahaansho.
dandarraysnaan eeg dandarraysan. ld dandarraysnaansho.
dandarraysnaansho ld dandarrays-naan.
dandarree Nafley dandarro badid.
dandarro Diif ka muuqata nafley oo ka timaadda nafaqo darro ama cudur.
danduul Weel bir ka samaysan oo marka ceelasha la qodayo dhoobada lagu qaado.
danee 1. Caano la lulayo biyo yar ku darid. 2. Wax tixgelin dheeraad ah siin.
danfadhi B. ah: xoolo aan xero lahayn. ld banfadhi.
danfariisad ld danfariisasho.
danfariisasho eeg danfariiso. ld banfariisad, banfariisasho, danfariisad.
danfariisi (1) Xoolo meel aan xero ahayn lagu bariisiyey. ld banfariisi¹.
danfariisi (2) Xoolo meel aan xero ahayn ku baryid. ld banfariisi².
danfariiso Xoolo, xero la'aan baryid. ld banfariiso.
dangalo Wax ay isu yihiin naago la wada qabo.
dangaraaro Madax wareer.
dangaraaroo Dangararo dareemid (qof).
<< < 318 319 320 321 322 323 324 325 326 327 328 > >>