Ereyga Maanta: goldooxid
dawo-suuxin (daaw.) Dawo yareysa ama baabi'isa dareenka oogada oo dhan ama qayb ka mid ah jirka. D.da s.ta oogada oo dhan oo qalliinka loo isticmaalo waxay damisaa shaqada maskaxda taasoo keenta miyir beelid.
dawoobid ld daawoobid.
dawow ld daawow.
dawr (1) ld dowr¹.
dawr (2) ld dowr².
dawre Qof socoto ah.
dawri ld dawari.
dawrid ld dowrid.
dawrin ld dawarin.
daxal Dheeh cillaan guduud ah oo birta iyo xadiid-sulubka ku dul samaysma marka ay biyuhu la falgalaan maaddadooda; mirir.
daxalaysad ld daxalaysasho.
daxalaysasho eeg daxalayso. ld daxalaysad, daxalaysi.
daxalaysi ld daxalaysasho.
daxalayso Bir ama xadiid-sulub, daxal yeelasho.
day 1. Indho, wax dhankooda u jeedin. 2. Isku d.: wax isku tijaabin.
dayaafad ld diyaafad.
dayaafadi ld diyaafadi.
dayaafadin ld diyaafadin.
dayaamid eeg dayaan². ld daryaamid, diryaamid, diyaamid.
dayaan (1) 1. Sharqan ama hugun weyn oo ka yimaada durbaan la tumayo, xoolo ama dad badan oo meel isugu yimid. 2. Cod dheer oo buuraha, daaraha, qararka iwm ay soo celiyaan markuu ku dhacay kaddib. ld daryaan¹, diryaan¹, diyaan¹.
dayaan (2) Noqodka hir jabaq ee dul (gebi ama buur) xoogaa innaga fog ay soo celisay, oo ka laciifsan jabaqdii asalka ahayd. Faraqa waqtiga ee ayoonka iyo jabaqda asalka ah, waxa ay muujisaa fogaanta gebiga ama buurta iwm.
dayaan (3) Durbaan, dhul iwm sharqan, hugun weyn ka yeerid. ld daryaan², diryaan², diyaan².
dayaarad ld dayuurad.
dayac (1) Daryeel iyo xannaana la'aan. ld daayacaad.
dayac (2) Wax baylihin ama xannaana xumayn. ld daayac².
dayacan Wax la dayacay ahaansho. ld dayacsan.
dayacid eeg dayac². ld daayacid.
dayacnaan eeg dayacsan. ld dayacnaansho, dayacsanaan, dayacsa- naansho.
dayacnaansho ld dayacnaan.
dayacsan ld dayacan.
<< < 334 335 336 337 338 339 340 341 342 343 344 > >>

