kaymadow Haweenay nasiib xun.
kaymayn (juqr.) Dariiqadda dhul looga dhigo mid kayn leh iyada oo aan meeshaasi hore u lahayn dhir.
kaymo-caleen-irbadlay (bot.) Dhirlayda calemahoodu u egyihiin irbadaha ama qodxaha.
kayn1 1. Nasiibdarro, ayaandarro, cawaxumo. 2. (-ymo, m.l) Meel dhir badan; hawd; jiq; toon. kayn2 (juqr.) Eray lagu magacaabo dhul aan beernayn oo ay ka baxaan hoosbaxayaal isku cufan; mararka gaarkood waxaa loo adeegsadaa, iyadoo waxa la isku qanciyaa yaryihiin , inay yihiin kaymaha mansuunta nooc ahaantooda. kayn-badhaale (juqr.) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, Xilli oomane ahna usan jirin; meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.
kayn-maanguruuf (juqr.) Dhul qoyan oo biyo fedhiyaan oo badanaa ay buuxiyeen kayn maanguruuf ah, kan maanguruuftu badanaa waxay ku dhacdaa dhul xeebeedka hoose ee gobollada kulaalayda, waxayna ugu sii badantahay agagaaraha webiga afkiisa.
kayn-mansuun (juqr.) Nooc kaymaha kulaalayda oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin geedaha caleen - dhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.
kayn-tirid (juqr.) Goynta dhirta iyo bannaynta kaynta.
kaynaan1 Geeddi meel fog loo guuro oo aan nasasho badan lahayn. kaynaan2 Geeddi dheer oo aan nasasho badan lahayn guurid. kaynaani 1. (f.g) Geeddi dheer oo aan nasasho lahayn wadid. 2. (f.mg) Ku k.: cid wax ku tuurid.
kaynaanid eeg kaynaan².
kaynaanin eeg kaynaani.
kaynroobaad Kolka roob da'ayo ee ifka qorraxda iyo dhibicda roobku isqabtaan, muuqaalka isku duuban ee midabbada badan leh oo qaabka qaansada u eg, cirkana ka dhex muuqda; qaanso-roobaad; jeegaan; caasha-carrabdheer.
kayo1 ld kaayo¹. . kayo2 ld kaayaga². kays (nax.) Isbeddel sarfeed oo ku dhaca qaabka ereyada qaarkood (siiba magacyada), oo muujinaya xiriirka naxweed ee qaabkaasi uu la leeyahay weerta inteeda kale; waa seddaxda habdhis kaysyada soomaaliyeed waxaana ka mid ah: kays yeelaale oo ah marka magaca yeele uu dhammaadkiisa ka muuqdo -u ama -i. Labada kale waa: kays yeermo iyo kays lahaansho.
kaytiin Walax geeso oo kale ah oo laga helo gidaarada unugyada fangi farabadan; waxaana uu ka koobanyahay boolisakaraydhyo. Waxa uu ka mid yahay walxaha daboola jidhka cayayaanka.
kebbi ld kabbi.
kebbin ld kabbin.
kebbis1 1. ld kabbis (-syo, m.dh) Lakab adag oo ka samaysan dhagax, dhoobo, qoryo ama wax kale oo lagu sameeyo dhismaha iwm laguna qurxiyo. 2. ld kebbin. kebbis2 Lakab adag oo ka samaysan dhagax, dhoobo, qoryo iwm. meel ku sameyn. ld kabbis². kebbisan Wax la kabbisay ahaansho (dhisme iwm). ld kabbisan.
kebbisid eeg kebbis². ld kabbisid.
kebbisii ld kabbisii.
kebbisiin ld kabbisiin.
kebbisnaan eeg kebbisan. ld kabbis-naan, kabbisnaansho, kebbisnaansho.
kebbisnaansho ld kebbisnaan.
kebed Gogol badanaa mayrax ka samaysan oo dun midabyo leh lagu qurxiyo.
page : 35 of 73
<< < 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 > >>