dhaalcaysan ld dhaaclaysan.
dhaalcaysnaan ld dhaaclaysnaan.
dhaalcaysnaansho ld dhaaclaysnaan.
dhaalce ld dhaacle.
dhaalcee ld dhaaclee.
dhaali Dheri yar oo dhoobo ka samaysan oo wax lagu karsado bunkana lagu dubto.
dhaaman Dhar iwm wax la dhaamay ahaansho.
dhaameel Abqo.
dhaameelsasho eeg dhaameelso.
dhaameelso Dhaameel gurasho.
dhaami 1. Ceel biyo ka doonid. 2. Weel buuxin.
dhaamid eeg dhaan².
dhaamin eeg dhaami. ld dhaamis.
dhaamis ld dhaamin.
dhaamnaan eeg dhaaman. ld dhaamnaansho.
dhaamnaansho ld dhaamnaan.
dhaan (1) 1. Doonidda iyo keenidda biyo meel fog laga doono. 2. Gaadiid weel biyo ku jiraan ama lagu doonayo saaranyahay.
dhaan (2) 1. (f.g) Wax wasakh marin. 2. (f.mg) Wax, wax kale ka fiican ahaansho. 3. Ku dh.: wax, wax kale ku beddelasho.
dhaandabaggaale Dhaldhalaal biyo la moodo oo samaysma marka milicda kulul ee qorraxdu ku dhacdo meel yara durugsan; wirwir.
dhaandhaami Qof, dhaandhaan ka dhigid.
dhaandhaamid eeg dhaandhaan².
dhaandhaamin eeg dhaandhaami. ld dhaandhaamis.
dhaandhaamis ld dhaandhaamin.
dhaandhaan (1) Qof aad u garaad yar oo maskaxda wax uga dhimmanyihiin.
dhaandhaan (2) Qof aad u garaad yar oo maskaxda wax uga dhimmanyihiin noqosho.
dhaansad ld dhaansasho.
dhaansan Weel wax buuxa ahaansho.
dhaansanaan eeg dhaansan. ld dhaansanaansho.
dhaansanaansho ld dhaansanaan.
dhaansasho eeg dhaanso. ld dhaansad, dhaansi.
<< < 350 351 352 353 354 355 356 357 358 359 360 > >>