Ereyga Maanta: qaqaan
dhalfo Xubinta taranta ragga inteeda hore oo ay buuryadu daboosho marka uusan gudnayn.
dhali (1) Afka hore ee xubinta taranta dhiddigoodka.
dhali (2) 1. Dheddig foolanaya ilmo ka soo qabasho. 2. Ciyaar kubbadeed dhibco ka keenid (qof).
dhalid eeg dhal². ld dhalis², dhalmo.
dhaliil (1) Daldalool iyo iin wax leeyahay.
dhaliil (2) Daldalool iyo iin wax leeyihiin sheegid.
dhaliilid eeg dhaliil².
dhalin eeg dhali². ld dhalis¹.
dhalis (1) ld dhalin.
dhalis (2) ld dhalid.
dhaliye (fiis.) Qalab awoodda mekaanikaad u beddela awoodda danabka. Warshadaha danabka, waxa ay soo saaraan qulqul talantaali ah, waxana la yidhaahdaa talantaaliye.
dhallaamayn eeg dhallaamee.
dhallaamee Saansaan dhallaan isu yeelid; iscarruurayn.
dhallaan Carruur yaryar; ilmo.
dhallaanciil Muddo sannad ka yar oo qof da'diisa lagu tirsho. ld dhallinciil.
dhallaandhuux ld dhalaandhuux.
dhallaanhabaabis Wirwir; dhalanteed, dhaandabaggaalla.
dhallaannimo Dhallaan ahaansho.
dhallaax Subag, labeen, xeydh, timir cajiiman iwm oo weelsalkiisa ku jira.
dhalleec (1) ld dhalleex¹.
dhalleec (2) ld dhalleex².
dhalleeci ld dhalleexi.
dhalleecid ld dhalleexid.
dhalleecin ld dhalleexin.
dhalleeco ld dhalleexid.
dhalleecsad ld dhalleexsasho.
dhalleecsasho ld dhalleexsasho.
dhalleecsi ld dhalleexsasho.
dhalleecso ld dhalleexso.
dhalleex (1) 1. Daymo gees la eego. 2. In yar. 3. Hadal ama dood intooda muhiim ah nuxur. ld dhalleec¹, jalleec¹.
<< < 368 369 370 371 372 373 374 375 376 377 378 > >>

