Ereyga Maanta: dhabataysi
khaafsanaansho  ld khaafsanaan.
khaakhuul  Rabsho xa-silloonida lagu waxyeeleeyo.
khaalis  Wax saafi ah oo aan wax kale ku jirin.
khaanad  Meel yar oo wax lagu rito oo lagu sameeyo armaajada, miiska iwm.
khaarij  Dal, dalalka kale ee xuduuddiisa dibadda ka ah.
khaariji  1. Qof dilid. 2. Qof, qof kale wax ka raba ka reebid.
khaarijin  eeg khaariji. ld khaarijis.
khaarijis  ld khaarijin.
khaas  1. K. ah: wax gaar ah oo lagu keli yahay. 2. K. ahaan: gaar ah, gooni ah.
khaash1  Cunno, miro, dawo iwm oo intay raageen xumaadey; faad. ld qaash. khaash2  Cunno, miro, dawo iwm faadid. khaashid  eeg khaash².
khaati  ld khaatir.
khaatimo  Sida wax waliba ku dhammaadaan ama ku dambeeyaan; ciribdambeed. ld khaatumo.
khaatir  1. ld khaatil. Qof dhagar badan. 2. Kh. ka joog: qof, qof kale shiddaysan. ld khaati.
khaatumo  ld khaatimo.
khaawis1  Fiirada qof meel daloosha laga fiiriyo isaga oo aan ogeyn. khaawis2  Iyadoo aan ogeyn cid meel daloosha ka firiin. khaawisid  eeg khaawis².
khaayin  ld khaa'in.
khaayir1  Si yasid iyo jeesjees leh oo cid loo fiiriyo. khaayir2  Si yasid iyo jeesjees leh cid u fiirin. khaayirid  eeg khaayir².
khaayis1  1. Cunto waqtigeedii dhammaa-day oo dhacday. 2. Cunto baryood ah. khaayis2  Cunto waq-tigeedii dhammaaday oo aan la cuni karin noqosho. khaayisid  eeg khaayis².
khabaar1  Wax aan horey loo ogeyn oo laysu sheego ama la helo; war. ld khabar. khabaar2  U k.: cid war u dirid ama u sheegid. khabaarid  eeg khabaar².
khabaarsad  ld khabaarsasho.
page : 39 of 73
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 > >>