Ereyga Maanta: dhiifoonaan
tillaabso ld tallaabso.
tilmaaman 1. Wax la tilmaamay ahaansho. 2. Wax, wax caan ku ah ahaansho.
tilmaame (1) Tusma-bixiye, horkace, wade.
tilmaame (2) (kiim.) Iskudhis si geddisme ah u beddela midabka, kaas oo ku xiran, PH-ka milanka uu ku milanyahay. Mitimsyada ogsidhayn yareyntu waxay u baahan yihiin tilmaa-mayaal gaar ah.
tilmaame (3) (nax.) Wuxuu tilmaamaa qof ama shay rugtiisa.
tilmaamid eeg tilmaan². ld tilmaanid.
tilmaamnaan eeg tilmaaman. ld tilmaamnaansho, tilmaansanaan, til-maansanaansho.
tilmaamnaansho ld tilmaamnaan.
tilmaan (1) Calaamad muhim ah oo wax lagu garto. 2. Akhbaar iyo macluumaad laga siiyo cid meel ayan aqoon.
tilmaan (2) 1. U t.: wax tilmaantooda cid u sheegid. 2. Cid meel ayan aqoon akhbaar iyo macluumaad ka siin.
tilmaanid ld tilmaamid.
tilmaansad ld tilmaansasho.
tilmaansan ld tilmaaman.
tilmaansanaan ld tilmaamnaan.
tilmaansanaansho ld tilmaamnaan.
tilmaansasho eeg tilmaanso. ld til-maansad.
tilmaanso 1. Wax tilmaan u yeelasho. 2. Meel ama wax tilmaantooda xafidid. 3. Meel tilmaanteeda qaadasho.
timaaddo (1) Wax mustaqbalka dhici doona.
timaaddo (2) (nax.) Ammin faleed tilmaama fal aan weli dhicin.
timajarid Habka timaha loo jaro ama loo qurxiyo. ld timajar.
timanaagoodle Jaad cawska ka mid ah.
timaxiir ld timaxiirid.
timaxiirid Hab xiiridda timaha loo qurxiyo. ld timaxiir.
timil 1. Xoog; awood. 2. Karti. 3. Eed; godob.
timir 1. Geed u eg geedaha baarta. 2. Miraha geedkaas ka baxa, sonkor baa ka buuxda, laf yar oo adagna way ku dhex-jirtaa.
tin Daliigo jillicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleeyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
tinhawleed Guudka fardaha in ka mid ah.
tiniin Imbili dhexda dun laga gashay oo carruurtu ku ciyaarto.
tiniinix 1. Bocoosha badda kuwo ka mid ah oo midabyo badan. 2. Midabyo badan.
tininig Cod lagu muujiyo shagagax ama shanqar dab.
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 > >>