bareero ld bareer1 (2). bareerid.
barfasoor 1. Qof aqoon sare oo cilmiyeed leh. 2. Bare sare oo jaammacadeed. ld barafasoor.
bargarasho eeg bargaro.
bargaro 1. Nafley muuqaalkeed garasho. 2. Fal eex iyo qabyaalad ka muuqato cid wax ugu samayn.
bari (1) Jahada ay qoraxda ka soo baxdo.
bari (2) 1. Cadka baruurta ah oo ka baxa dibka idaha. 2. (-iyo, m.l) Salka dadku ku fariisto. 3. (-iyo, m.l) Buruq.
bari (3) 1. (f.g) Cid wax ay leedahay ama ka mas'uul tahay si debecsan u weyddiisasho. 2. (f.mg) Habeen meel u hoyasho.
baricadde Nooc ka mid ah quraanyada waaweyn oo daba cad leh.
barid eeg bar³. ld baris, baritan.
baridhawr Barkin xalleefsan oo koore, kursi iwm layska xajiyo..
bariggo'an Daruur weyn, biyo lahayn oo aan daruur kale ka hooseyn.
bariggoo U b.: qof dhaawac ah neef ida ah oo lagu baaniyo u qalid.
bariggooyo B. ah: 1. Neef ida ah oo qof dhaawac ah in lagu baaniyo loo qalo. 2. Hanti la siiyo qof la dhaawacay qaansimidda ka hor.
bariggoyn eeg bariggoo.
barii Habeen meel ku nabad gelin (nafley). ld bariisii.
bariid ld bariis.
bariidi 1. Cid, subax bariido ugu tegid. 2. Cid, salaan ugu tegid.
bariidin eeg bariidi. ld bariidis, bariido.
bariidis ld bariidin.
bariido 1. Casho baartay oo maalintii xigtay gaartay. 2. Salaanta kolka waagu beryo. 3. Hanti laga bixiyo gabar guur laga doonayo oo la siiyo soddohda. 4. ld bariidin.
bariin eeg barii. ld bariisiin.
bariiq Qolofta ku dahaaran iniinyaha bariiska intaan la tumin.
bariir ld biriir.
bariis Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. ld bariid.
bariisasho eeg bariiso.
bariisii ld barii.
bariisiin ld bariin.
bariiso (1) 1. Waqtiga u dhexeeya qorax-soobaxa ilaa ay qoraxdu diirimaad dhaxanta kiciya ka yeelato. 2. Roob da'a arooryada hore.
bariiso (2) Meel lagu hoyaday ilaa diirimaadka qorraxdu dhaxanta kiciyo ku sugnaan.
barijab Meesha barida iyo bowdadu iska galaan.
<< < 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 > >>