dambasqaadWeel yar, dhalo, macdan, qori iwm ka samayn oo sigaarka lagu demiyo.
dambasyaal1. D. ah: dhagax weyn oo dhardhaar laga dhigto. 2. Qori weyn, qallalan oo muddo badan la shidan karo.
dambaxir1Xarig gaaban oo sac la lisayo sibraha looga xiro.
dambaxir2Sac la maalayo sibraxirid.
dambaxiranWax dambaxir lagu sameeyey ahaansho (sac la lisayo).
dambaxirideeg dambaxir².
dambaxirnaaneeg dambaxiran. ld dambaxirnaansho.
dambaxirnaanshold dambaxirnaan.
dambayneeg dambee.
dambaysiiKa d.: wax, wax kale gadaashooda dhigid.
dambaysiineeg dambaysii. dambe s. 1. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tus. “Fasaxa ka dambe ayaan is arkaynaa”. 2. Gadaal xiga; dambeeya. ld damme.
dambee1. Ka d.: wax, wax kale gadaashooda socosho ama taagnaan. 2. Ka d.: cid xushmadeyn.
dambeed(xis.)Ururka xubnaha dambe ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh tirsaneyaal ee la dhigo dhidibka taagan (dhidibtay) ee garaaf.
dambeetoDabadeed, kaddib.
dambild dembi.
dambidhaaf1ld dembidhaafid.
dambidhaaf2ld dembi- dhaaf².
dambidhaafidld dembidhaafid.
dambiilQalab caw, xaskul, caag iwm laga sameeyo sidde leh oo adeegga guriga lagu rito. ld danbiil.
dambiilannimold dembilennimo.
dambiileld dembiile.
dambitir1ld dembitirid.
dambitir2ld dembitir².
dambitiridld dembitirid.
dambowKa d.: dabadeed, kaddib. Tus. “Toban casho ka dambow buu iska tegey”.
damciDamac gelin.
damcideeg damac². ld damac¹ (3).
damcineeg damci. ld damcis.
damcisld damcin.
damdaguuganD. ah: mugdi aan waxba loo jeedin.
<< < 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 > >>