Ereyga Maanta: raysmaggaarto
hawaawirid (2) eeg hawaawir².
hawaawirid (3) Xabbado bilaash u ridid.
hawaawiridid eeg hawaawirid³.
hawaawirin eeg hawaawiri.
hawaawiyid eeg hawaawi². ld hawaawi¹ (2).
hawadi Wax si tartiib ah u wadid.
hawadin eeg hawadi. ld hawadis.
hawadis Neef xoolo ah sabaalin. ld hawadin.
hawaggeddi U h.: cid meel ay ku nasato ama cafimaadka hesho geyn.
hawaggeddin eeg hawaggeddi. ld hawaggeddis (2).
hawaggeddis 1. Tegidda laga tago meel, oo la aado meel ka hawo duwan, si loo nasto ama caafimaad looga helo. 2. ld hawaggeddin.
hawakac (1) ld hiyikac¹.
hawakac (2) ld hiyikac².
hawakicid ld hiyikicid.
hawammareen Xubnaha neeftu marto ee nafleyda.
hawd 1. Dhul dhir dhaadheer oo cuur ah leh, buuro lahayn oo aan biyo badnayn. 2. Xarigxarig.
hawee 1. Wax fallisid. 2. Wax hammi gelin.
haween Dheddigga dadka guud ahaan; dumar.
haweeney Qof dumar ah oo la guursaday.
haweyn eeg hawee. ld haweys.
haweys ld haweyn.
haweysad ld haweysasho.
haweysasho eeg haweyso. ld haweysad, haweysi.
haweysi ld haweysasho.
haweyso Hawo ka gelid; niyaysasho; isu qaadid.
hawir (1) 1. Gelinta wax khatar la geliyo. 2. Dhibaato weyn oo wax loo gaysto. 3. ld hawirid.
hawir (2) 1. Wax halis gelin. 2. Wax dhibaato weyn u geysasho.
hawiran (1) Wax dhibaato weyn gaartay noqosho.
hawiran (2) 1. Wax halis la geliyey ahaansho. 2. Wax dhibaato weyn loo geystay ahaansho.
hawirid eeg hawir². ld hawir¹ (3).
<< < 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 > >>