dhuungoyn eeg dhuungoo.
dhuuni (1) 1. Cuntada dadku cuno. 2. Qof cuntada ku mamman.
dhuuni (2) Qof cunnasiin.
dhuunidoon Qof raadinaaya cunto uu ku noolaado kaliya; hunguridoon.
dhuunirraac Qof hadba meeshii uu moodaayo in dani ugu jirto isxijiya ee aan ceebta anshaxa iyo dhaqan-wanaagga midna eegin.
dhuunirraacnimo Dhuunirraac ahaansho.
dhuunqabad 1. Cudur ku dhaca geedka meseggada ama galleyda oo u diida in uu sabuulku baxo. 2. ld dhuunqabasho.
dhuunqabasho eeg dhuunqabo. ld dhuunqabad (2).
dhuunqabo 1. Nafley ceejin. 2. Cid cunaqabatayn.
dhuuntow Cudur qanjirrada dalqada ku dhaca; majin; qun.
dhuunxir Dh. ah: nooc garka ka mid ah oo ka baxa cunaha korkiisa.
dhuunxiran Xabeebid.
dhuunxirmid eeg dhuunxiran.
dhuunyaale 1. Nooc ka mid ah dhurde. 2. (-layaal, m.l/dh) Qof cunna jecli awgeed meel walba u gala.
dhuunyeeri Ruux bixidda ka hor si gaar ah u yeerid (neef geel ah).
dhuunyeerin eeg dhuunyeeri. ld dhuunyeeris.
dhuunyeeris ld dhuunyeerin.
dhuunyid eeg dhuuni².
dhuuq ld dhuug².
dhuuqid ld dhuugid.
dhuuqis ld dhuugid.
dhuuqsad ld dhuuqsasho.
dhuuqsasho eeg dhuuqso. ld dhuuqsad, dhuuqsi.
dhuuqsi ld dhuuqsasho.
dhuuqso Xarig iwm si adag gacmaha ku qabsasho.
dhuur Geed abaareed dheer oo ka baxa dhulka dhanada ah.
dhuurar Geed yar oo dacarta u eg oo leh mayrax adag oo xargaha laga sameeyo.
dhuurcaso Jaadadka quraanyada mid ka mid ah oo midabkeedu cas yahay, yaryar oo aad u qaniinya kulul. ld dhuuricaso.
dhuuri (1) Xanuun.
dhuuri (2) Dixiri yar oo waqtiyada dharabka qofka kaba la'aanta socda cagaha ka gala.
<< < 436 437 438 439 440 441 442 443 444 445 446 > >>