Ereyga Maanta: geedqaad
dhuuri (3) Xanuun dareemid.
dhuuricaso ld dhuurcaso.
dhuurtaxaniinyo ld dheertaxa- niinyo.
dhuurtee Geedgaab cufan oo ka mid ah dhir-abaareedka oo ay xooluhu daaqaan, lehna caleemo yaryar oo dhuudhuuban.
dhuurur Geed yar oo dacarta u eg oo leh mayrax adag oo xargaha laga sameeyo.
dhuuryaamid eeg dhuuryaan².
dhuuryaan (1) Jaad duqsi ka mid ah oo waaweyn.
dhuuryaan (2) Ku dh.: cid ku fawfawlayn ama ku nuunaasid (cayayaanka duula sida diqsiga iwm).
dhuuryid eeg dhuur³.
dhuuryo Shimbir hilibka cunta; dafo; soladduul.
dhuus (1) Neef kolkol sanqari weheliso oo qurmuun oo nafleyda qaarkeed xaggeeda dambe ka timaadda. ld dhuuso.
dhuus (2) Dhuuso sii deyn.
dhuusaquraar Qof da'yar, fudud oo faduul badan.
dhuusid eeg dhuus².
dhuuso ld dhuus¹.
dhuux (1) 1. Sooh baruurta u eg oo xididdo yaryari ku safanyihiin oo lafaha dheerdheer ku dhex jira oogada nafley. 2. Lafta geedaha walax yar oo jilicsan oo ku dhex jira. 3. Togga calooshiisa biyuhu maraan.
dhuux (2) (c.nafl.) Nudo jilicsan oo ku yaallo moqorka dhexe iyo meelaha bannaan ee gudaha lafta. Markay dhashaan iyo markay yaryihiin xayawaanku dhuuxa lafahooda oo dhami waxa uu sameeyaa unugyada dhiigga.
dhuux (3) 1. Laf, dhuux kala bixid. 2. Hadal ama arrin aad u fahmid.
dhuux-geed (baay.) habdhiska kelli ee jirridda ubaxlayda iyo beerlammaa- nayaasha oo badanaa ka sameysan nudaha baarankiima. Xididdada qaarkood, hab- dhiska kelli wuxuu noqdaa baarankayma, halkii uu ka noqon ahaa saylam, xididdada noocaas ahina waxay leeyihiin 0 dh.g Shaqada dh.g.ku waa kaydinta cuntada.
dhuux-lafo-holac (daaw.) Halaama- coodka dhuuxa iyo lafaha oo uu keeno caabuq. Waa khatar la socota markii lafi jabto, waa in si aad ah looga taxadaraa mar walba oo dhuuxa la gaaro xilliga qallinka lafaha iyo xubno-isgoysyada. Waxa kale oo keeni kara jeermi dhiigga la socda.
dhuuxdheere Dhuuxa dheer oo dhex mara lafdhabarta; xangulle.
dhuuxid eeg dhuux³.
dhuuxyayn eeg dhuuxyee.
dhuuxyee Neef geel ah si aad ah u qabbirid.
dhuwan Miro ka baxa shillanka iyo kediga oo la cuno.
dhuxdhuxlayn eeg dhuxdhuxlee. ld dhudhuhlayn.
dhuxdhuxle Qof warsheegid badan oo dadka isku dira. ld dhuhdhuhle.
dhuxdhuxlee Dirdira sameyn. ld dhudhuhlee.
dhuxul 1.Wax madow oo la shito oo laga sameeyo qoryo la gubay. 2. Wax madow oo la shito oo dhulka laga qodo oo ka samaysan dhir malaayiin sano ka hor aasantay oo baariga dhulka iyo kulayl badani isugu darmeen.
dhuxulayn eeg dhuxulee.
<< < 437 438 439 440 441 442 443 444 445 446 447 > >>