Ereyga Maanta: xasaw
didin eeg didi. ld dudin.
didmo Yaacidda xoolo, ugaar iwm. baqdin awgeed la yaacaan. ld dudmo.
didsan Wax dhiillaysan ahaansho (xoolo, ugaar iwm). ld dudsan.
didsanaan eeg didsan. ld didsanaansho, dudsanaan, dudsanaansho.
didsanaansho ld didsanaan.
didsasho eeg didso. ld dudsasho.
didso Xoolo iyadoo la didinayo kaxaysasho. ld dudso.
difaac (1) ld daaficid.
difaac (2) ld daafac².
difaacid ld daaficid.
difji Dareere wax yar ka dhibcin.
difjin eeg difji. ld difqin.
difqi ld difji.
difqin ld difjin.
dig (1) 1. Rubad. 2. Naf. 3. Garaaca wadnaha ee halbowlayaasha laga garto. 4. (sh.r) Cod lagu muujiyo shalaq.
dig (2) 1. (f.g) Aroos iwm cid ogeysiin. 2. (f.mg) U d.: qof wax u daran oo ku soo fool leh ama lala maagganyahay dareensiin si uu uga gaashaanto.
digaag Shimbir aan duulin, la dhaqdo oo hilibkeeda iyo ukunteedaba la cuno; dooro; luki. ld diyaad, diyaaj.
digad ld digasho.
digaggub (1) Baabbi'inta wax la baabbi'iyo. ld digaggubid.
digaggub (2) Wax ciribtirid.
digaggubid eeg digaggub². ld digaggub¹.
digarrogad ld digarrogasho.
digarrogasho eeg digarrogo. ld digarrogad.
digarrogo Xero dhiriqowday ama si kale u xumaatay, xero kale oo u dhow uga guurid; oodrogasho.
digasho eeg digo². ld digad.
digaxaar Qori xalleefsan oo xeraada xoolaha digeda looga guro.
digdhaw (1) 1. ld dhigdhebid. Gawricidda nafley la gawraco. 2. D. ah: nafley sakaraad ah.
digdhaw (2) 1. (f.g) Nafley rubad goyn. 2. (f.mg.) Wax sakaraad ah noqosho (nafley).
digdhebid eeg digdhaw². ld digdhaw¹.
digdig Dafdaf iyo faan been ah.
<< < 443 444 445 446 447 448 449 450 451 452 453 > >>