anaa (1) Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani'iyo 'aa 1'.
anaa (2) ld ana.
anaakici Koox ciidan ah oo si gaar ah u tababbaran oo cadow lala dagaallamayo dhulkiisa loo diro si uu u fadqalalleeyo.
anaani Qof naftiisa keliya wax la raba.
anaaninnimo Anaani ahaansho; nafjeclaysi. ld anaaniyad, anaaniyo.
anaaniyad ld anaaninnimo.
anaaniyo Wax la jeclaysiga qof naftiisa keliya wax la rabo. ld anaaninnimo.
anaanuf (1) ld unuunuf¹.
anaanuf (2) ld unuunuf².
anaanufid ld unuunufid.
anafee Cid anafo u geysasho.
anafeyn eeg anafee.
anafo Dhibaato af iyo addin lagu geysto.
anafoo Ku a.: arrin ku eedoobid (cid).
anafood eeg anafoo.
anatomi (baay.) Barashada dhismaha noolayaasha, gaar ahaan xubnahooda gudaha iyada oo la adeegsanayo jeebis iyo baadhitaan weyneyso leh.
andaco Waxaan la hubin sheegashadooda ama ku doodiddooda.
andacoo Ku a.: war aan xaqiiqadiisa la hubin ku doodid (cid).
andacood eeg andacoo.
andaqaad (1) Dammiin; eedqaad. ld andaqaadid.
andaqaad (2) Wax dammiinasho.
andaqaadid eeg andaqaad². ld andaqaad¹.
aneexo (bot.) Geed nagaar faalala oo leh caleemo yaryar oo xanaf leh iyo miro kulkulucsan oo la cuno. ld uneexo.
anemoomitir ld animoomitir.
anfac (1) 1. Waxtarka cuntadu jirka u leedahay; dheef; nafaqo. 2. Anfaco: cunto. 3. ld anficid.
anfac (2) Cid faa'iido u yeelasho (wax).
anfaco eeg anfac (2).
anfariir (1) 1. Dareen kulminaya yaab weyn iyo cabsi; argaggax. 2. ld anfariirid.
anfariir (2) Yaab weyn iyo cabsi dareemid.
anfariiri Cid anfariir ku ridid.
<< < 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 > >>