Ereyga Maanta: ilgal
baryaysad ld baryaysasho.
baryaysasho eeg baryayso. ld baryaysad, baryaysi.
baryaysi ld baryaysasho.
baryayso Baryo ama tuugsi u bixid.
baryid eeg bari³.
baryo Si debacsan oo cid waxay leedahay ama mas'uul ka tahay loo weyddiisto; tuugmo.
baryood 1. Cunto bariday. 2. Ciir aad u dhannaan oo aan la cabbi karin.
baryootamid eeg baryootan². ld baryootan¹ (2).
baryootan (1) 1. Baryo badan. 2. ld baryootamid.
baryootan (2) Si aad ah cid u baryid.
bas (1) 1. Geeri caadi ah ee ku timaaddo qof tiisii gashay. 2. (-sas m.l) Baabbuur weyn oo dedan oo daaqada muraayado ah iyo kuraas leh oo rakaabka qaado. 3. Wax gubasho ku dhammaaday oo dambas noqday.
bas (2) 1. Wax shidan dambas noqosho. 2. Ood iwm duugnimo awgeed la baabi'id.
basaas (1) 1. Qof, sir cidi leedahay raadiya, una gudbiya cid kale oo ay dan u tahay. 2. Qof, sir dawladeed raadiya, una gudbiya dawlad kale; sirdoon.
basaas (2) Qallaylka, googgo'a iyo midab doorsoonka ku dhaca timaha marka aan muddo dufan la marin.
basaas (3) 1. (f.g) Cid sirteeda, cid kale oo ay dan u tahay u gudbin. 2. (f.mg) Timo aan muddo dufan la marin qallayl, googgo'iyo midab doorsoon la kulmid.
basaasan Wax basaasay ahaansho (timo).
basaasid eeg basaas³.
basaasnaan eeg basaasan. ld basaasnaansho.
basaasnaansho ld basaasnaan.
basaasnimo Basaas ahaansho.
basaay Toogasho meel fog ah.
basal Khudrad ur silloon oo dhadhan kulul, caleemo dhuudhuuban oo dhaadheer iyo buruq kuusan leh oo la cuno.
basalt (jool.) Dhadhaabo midabkeedu madow yahay, wiriqaheeduna yaryaryihiin, ka abuurma ciid raran ah oo ka soo gufaacda burkaanta oo qabowday ee adkaatay.
basanbaas (1) Rafaad waxyeello weyn leh; hoog; ba'.
basanbaas (2) Rafaad waxyeello weyn leh la kulmid.
basanbaasi Cid, basanbaas dhaxalsiin.
basanbaasid eeg basanbaas².
basanbaasin eeg basanbaasi.
basar (1) 1. Hab iyo hannaan qof bulsho uu la noolyahay ula dhaqmo. 2. Tab iyo xeelad qof adeegsado si uu arrin ugu xalliyo. 3. ld basrid.
basar (2) Wax si tab iyo xeelad leh u xallin.
<< < 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 > >>